Sport:Taariikhda Iyo Waqtiyada La Ciyaari Doono Kulamada Wareega Afraad Ee Capital One Cupka Oo La Shaaciyay

0
Friday September 25, 2015 - 17:38:16 in by Hargeysa Office
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sport:Taariikhda Iyo Waqtiyada La Ciyaari Doono Kulamada Wareega Afraad Ee Capital One Cupka Oo La Shaaciyay

    Taariikhda Iyo Waqtiyada La Ciyaari Doono Kulamada Wareega Afraad Ee Capital One Cupka Oo La Shaaciyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Iyo Waqtiyada La Ciyaari Doono Kulamada Wareega Afraad Ee Capital One Cupka Oo La Shaaciyay

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay taariikhda iyo waqtiyada la ciyaari doono kulamada wareega afraad ee Capital One Cupka. Wareega afraad ee Capital One Cupka ayay iskugu soo hadheen 16 kooxood, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikhda iyo waqtiyada loo qorsheeyay inay kulamadaasi dhici doonaan.

Afar kulan ayaa dhici doonaa talaadada27-ka bisha October, waxaana kulamada talaadada la ciyaari doono ku jira kulanka ay Sheffield Wednesday soo dhawayn doonto kooxda Arsenal waxaana kulankan si toos ah u baahin doona Sky Sports.Isla maalintan ayaay Stoke City soo dhawayn doontaa kooxda koobkan difaacanaysa ee Chelsea.Halkan kaga bogo dhamaan kulamada la ciyaari doono Talaadada 27 October iyo waliba waqtiyga la ciyaari doono.

Everton v Norwich City – 7.45pm

Hull City v Leicester City – 7.45pm
Sheffield Wednesday v Arsenal – 7.45pm (Sky Sports)
Stoke City v Chelsea – 7.45pm

Arbacada 28 ka bisha October ayay Liverpool soo dhawayn doontaa kooxdaBournemouth waxaana sidoo kale kulankan baahin doona Sky Sports. isla maalintan ayay Manchester City Etihad Stadium ku soo dhawayn doontaa kooxda Crystal Palace halka ayManchester United iyaduna Old Traffrod ku marti galin doonto kooxda Middlesbrough.Halkan kaga bogo dhamaan kulamada la ciyaari doono arbacada 28 October iyo waliba waqtiyada la ciyaari doono.

 

Liverpool v AFC Bournemouth – 7.45pm (Sky Sports)
Manchester City v Crystal Palace – 7.45pm
Manchester United v Middlesbrough – 8.00pm
Southampton v Aston Villa – 7.45pm