Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay loolanka siyaasadeed ee Golaha wakiilada iyo Xaalada Dalka ee Wakhtigan

0
Wednesday February 12, 2014 - 07:52:58 in by Super Admin
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay loolanka siyaasadeed ee Golaha wakiilada iyo Xaalada Dalka ee Wakhtigan

    Hargaysa: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hirdanka siyaasaddeed ee ka dhex aloosanShir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hirdanka siyaasaddeed ee ka dhex aloosanShir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

Muran ka dhashay dhimista Awoodda labada Guddoomiye ku-xigeen ee Shir-guddoonka Wakiillada ayaa sababay in buuq iyo muran
hadheeyo fadhiyadii Golaha, kaasoo inta xal laga gaadhayo todobaad la fasaxay Golahaasi.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo maanta Caasimadda Hargaysa kula hadlaayey Warbaahinta, ayaa dhinacyada loolanku ka dhexeeyo u soo jeediyay inay is-ixtiraamaan dhexdoodu, dhegaha bulshadana ka dhawraan dhawaaqyada turxaanta xambaarsan ee ay Warbaahinta isu marinayaan.

Abwaanka ayaa isagoon dhinacna wax eedeyna u jeedin Kooxaha Hirdanka Siyaasaddeed ee Shirguddoonka lugta kula jira si guud ugu taliyay in qolo waliba qadariso dhinaca kale, isagoo carabka ku dhuftay in Mudaneyaasha Golaha Wakiillada looga baahanyahay inay ku eekaadaan shaqada ay umadda u hayaan.

"Arrintaa Golaha Wakiillada ka taagan dee waa laga wada warhayoo beryahanba way socotay, anigana dheg ka maqal ayuunbay igu tahay”ayuu yidhi Abwaanka oo cudur-daar ka bixinayay Su’aal Telefishanka Bulsho ka waydiiyay khilaafka Wakiillada.

Waxaanu intaasi ku daray "aniguna siyaasadda iyo dawladdaha ma dhex galo, laakiinse way fiican tahay in waxyaabaha qaarkood la soo qaado”.
Abwaanka ayaa ka hadlay mawduuca wax laga waydiiyay ee muranka ka aloosan Wakiillada, waxaanu yidhi "Golahaasi umadda ayuu ka wakiil yahay, umaddu muraado ayay leedahay, xaaladdo adag ayay ku jirtaa, waxaa loogu talo galay in horumar looga aayo, odhana maayo Maanta waa Ri’ isnuugtay oo looga wanaagsan Nin weyn oo meel fadhiistay in maalin walba keen lagu yidhaahdo”.

"Laakiinse waa la canaanayaa oo dhacday oo marka waxyaabihii loo doortay lagu saluugo waa la canaanayaa, waanay dhacday oo waynu arkaynaa, iyagaana u sababa inaan maanta ka hadalno arintooda”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame waxa kale oo uu fariin u diray Golaha wakiillada waxaanu yidhi "waxaan u dirayaa waar Caano daatayba dabadood la qabayeye, umad-baa idin dooratay, umadaasi ujeeddo iyo sabab ayay idiin doorteen iyo muraado ay leeyihiin ee waar u dhaama sidan, waxaad isku haysataan dhaawac xunbuu ku yahay mujtamaca iyo qarankabe. 
Ma tihidin dad lafoow dhagax ahee, waxaad tihiin Niman Masuuliyiin ah oo la doortaye umadda xaqiida siiya oo xataa hadaad wax kale kari kari waydaan nabad-gelyo, maamuus iyo Gobanimo dhexdiina ha jirto, waayo waxa iminka lay waydiinayaa dadkii umaddu dooratay ayaa mushkiladi dhexdooda taalaa”ayuu yidhi Hadraawi

Afkashacabka.com
Hargeysa Somaliland