"Waa Waajib in aad Gudano Waajibaadka Qaranka, ka Daali Mayno, Arintana waxaan u arkaa Intaa Ka Sii Badiya"Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

0
Monday April 21, 2014 - 08:59:47 in by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Waajib in aad Gudano Waajibaadka Qaranka, ka Daali Mayno, Arintana waxaan u arkaa Intaa Ka Sii Badiya"Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.xasan ayaa ka Dareen Celiyey Shahaado Sharaf ay ku maamuseen Jaaliyadda Rer Somaliland ee Dalka Sweden, Waxana Qoraal kooban oo uu ku baahiyey Bogagiisa Internetka ku yidhi Sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali X.xasan ayaa ka Dareen Celiyey Shahaado Sharaf ay ku maamuseen Jaaliyadda Rer Somaliland ee Dalka Sweden, Waxana Qoraal kooban oo uu ku baahiyey Bogagiisa Internetka ku yidhi Sidan:
 
"Mahadsanidu Marbay Sad  iyo Shidaal u tahay Maskaxda Masuulka "
 

Maanta Munaasbad kooban oo ka dhacday barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada, waxaan ku kulanay madaxda jaaliyada Sweden iyo Safiirka Somaliland u jooga Somaliland, waxay igu maamuseen Shahaado sharaf ay uugu magac dareen dhiiri gelin , waan uuga mahadcelinayaa  dareenkooda fiican ee ay uuga dan leeyihiin maamuus-ka qaranka  iyo hawl wadeenada dawlada.

Waa hubaal oo gudashada waajibaadka qaranku waa mid waajib ku ah dhamaan inta loo igmaday ee Alle dusha kasoo magacaabay Madaxweynuhuna qalinka uu uugu duugay,

Waan ogahay hawshii naloo dhiibtay inta aan qabanay iyo inta noo dhiman, aan isku ducayno, dedaalna inooma yara,
 

Waa astaan fiican in muwaadinku xurmeeyo astaanta dawladnimada isla markaana uu ixtiraamo inta marka maamulka iyo masuuliyada u haysa, mahadsanidu marbay sad  iyo shidaal u tahay maanka masuulka

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.