Xisbiga Liberal Democratic Ee Gobolka Bristol Oo Xukumada Ingiriiska U Baaqay In Ay Aqoonsato Somaliland.

0
Monday April 21, 2014 - 09:50:02 in by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Liberal Democratic Ee Gobolka Bristol Oo Xukumada Ingiriiska U Baaqay In Ay Aqoonsato Somaliland.

    Xisbiga Liberal Democratic Ee Gobolka Bristol Ayaa Xukuumadda Ingiriiska Ugu Baaqay In Ay Ictiraafto Somaliland, Iyagoo Mooshin Ay Ku Dalbanayaan U Gudbiyey Golaha Magaalada Bristol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Liberal Democratic Ee Gobolka Bristol Ayaa Xukuumadda Ingiriiska Ugu Baaqay In Ay Ictiraafto Somaliland, Iyagoo Mooshin Ay Ku Dalbanayaan U Gudbiyey Golaha Magaalada Bristol


Mooshinka Loo Gudbiyey Golaha Waxa Lagu Baahiyey Mareegta  Liberal Democratic, Kaasoo U Dhignaa Sidan:-

Goluhu Wuxuu Aqoonsan Yahay In Toban Kun Oo Reer Somaliland Ah Oo Ku Nool Bristol Loo Aqoonsado Dal Madax Banaan. Dadka Somalilanderiska Ah Ee Ku Nool Magaaladdayadu Way Na Kaalmeeyaan, Waanay Ogyihiin Goluhu, Waxaanay Markasta Bristol Ku Cadaadiyaan In Aanu U Aqoonsano Dal Madax Banaan Oo Kursi Ku Yeesha Qaramada Midoobay.

Somaliland Waxay Madax Banaanideeda Ku Dhawaaqday Oo Ay Ka Goosatay Somaliya 1991-Kii, Dagaal Dheer Kadib, Kamanay Helin Aqoonsi Caalami Ah UN-Ka Iyo AU-Ga Midna, Kasakow Ololayaal Dublamaasiyadeed Iyo Kuwo Magaalooyin.

Goluhu Waxa Uu Yaqiinsaday In Somaliland Ay Ka Jirto Nabad Iyo Deganaansho, Labaatankii Sano Ee Ugu Danbeeyayna Waxaana ka Dhacay Doorashooyin Iyo Axsaab U Xor Ah Fikirka Taageerayaashooda.

Somaliland Waxay Heshaa Taageero Caalami Ah, Badeeduna Waa Ka Xor Budhcad Badeeda, Ictiraafkeenu Waa Mid Mandaqada Geeska Afrika Wax Ka Tari Kara.

Aqoonsigeedu Waxa Kale Oo Uu Wax Ka Tarayaa Xidhiidhka Caalmaiga Ah Ee La Dagaalanka Argagixisada Iyo Danbiyada Kale Ee Waaweyn, Oo Ay Ka Mid Yihiin Aasida Qashinta Sunta. Waxaanu Aqoonsigu Ku Xidhayaa Dalxiisayaasha, Shaqooyinka Iyo Baananka Caalamiga Ah.

Goluhu Waxa Uu Ugu Baaqayaa Dawladda Ingiriiska In Uu U Aqoonsado Dal Madax Banaan, Isla Markaana Waa In Ay Dawladda Ingiriisku Ugu Baaqdaa Dalalka Kale Inay Iyana Ictiraafaan.

Talaabada Xisbigani Qaaday Ayaa Noqonaysa Bishan Gudaheeda Tii Labaad Ee Somaliland Loogu Ololeeyo Qadiyadeeda, Iyagoo Golaha Deegaanka Shefield Ictiraafeenba Qadiyada Somaliland.

Ololayaashan Ayaa Ku Soo Beegmaya Xilli Ay Dalka Ingiriiska Ku Soo Fool Leeyihiin Doorashooyin, Kuwaas Oo Xisbi Kastaa U Raadinayo Taageero.







Afkashacabka.com

Bristol - UK  /Office

Contact@afkashacabka.com