Madaxa Xeer Ilaalinta Gobolka Oo Sheegay In Maamulka Wargayska Haatuf Ka War-wareegayaan In Ay Iska Difaacaan Dacwada Loo Haysto.

0
Monday April 21, 2014 - 21:00:55 in by salman abdi
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Xeer Ilaalinta Gobolka Oo Sheegay In Maamulka Wargayska Haatuf Ka War-wareegayaan In Ay Iska Difaacaan Dacwada Loo Haysto.

    Madaxa Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mire Ayaa Ka Hadlay Eedaymo Uu Sheegay In Ay Uga Yimaadeen Maamulka Wargayska Haatuf Oo Dhawaan Xukumada Ay Xayirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mire Ayaa Ka Hadlay Eedaymo Uu Sheegay In Ay Uga Yimaadeen Maamulka Wargayska Haatuf Oo Dhawaan Xukumada Ay Xayirtay.

Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Maamulka Wargayska Haatuf U Banaan Tahay In Ay Iska Difaacaan Dawcada Maxkamada U Taal, Isla Markaana Marar Doora Ay U Yeedheen Si Ay Iskaga Difaacaan Eedaha Loo Soo Jeediyey Balse Aanay Iman Maxkamada Iyo Xeer Ilaalintaba.

Sidaasi Waxa Uu Sheegay Shirjaraa’ Id Oo Uu Maanta Ku Qabtay Xafiiska Xeer Illaalinta Gobolka Maroodi-Jeex Ee Hargeysa, Waxanu Yidhi "Kiiskan Haatuf Ee Gacanta Ku Hayno Booliska Ayaa Soo Baadhay, Marka Booliskuna Waxay Codsadeen In Wargeyska Haatuf Gudoomiyahiisa Iyo Tafatirahaba In Waxa Laga Waydiiyo Dhibaatada Uu Qorayo Wargeyskaasi, Kaasi Oo Qoray Borobogaandho Lidi Ku Ah Qaran, Oo Isku Jira Warar Aan Run Ahayn Iyo Mid Kicinaya Dadka Oo Waliba Ay Qoraalkoodu Noqday Mid Taxane Ah Oo Socda, Qofna Kama Sareeyo Xeerka Ciqaabta Guud Ee Ummadu Wada Leedahay, Iyada Oo Loo Raacayo Xeerka Saxaafada Loona Akhriyayo Danbiyada Lagu Eedeyey, Maxkamada Ayaanu Soo Waydiisanay In Loo Ogolaado Qolada Haatuf In Ay Yimaadan Oo Ay Iska Difaacan Eedaha Loo Soo Jeediyey, Maxkamadiina Way Aqbashay Qoladii Haatufna Waa Loogeyey Wayna Soo Diiday, Sidaasi Darted Maxkamadu Waxay Xayirtay Wargeyska Haatuf Markii Ay Eedihii Iska Difaaciwaayeen, Hadana Danbigii May Joojin Ee Halkii Ayey Ka Siiwaden Oo Websedkii Ayey Isticmaaleen, Kana Waa La Joojiyey Oo Maxkamada Ayaa Qoraal Ka Soo Sartay In La Joojiyo Websedka, Saddexdii Qoraal Ee Ay Maxkamadu Qortayna Waa Kaasi.”Ayuu Ydihi.

Mar La Waydiiyey In In Aanay Dhex-Dhexaad Ka Ahayn Kiiska Wargeyska Haatuf Oo Ay Dawlada U Janjeedhaan Oo Aanay Waxba Ka Waydiina Maamulka Haatuf Arrinta Lagu Soo Eedeyey Waxa Uu Kaga Jawaabay. "Muhiimada Ugu Weyni Waa In Wargeyska Haatuf Aqbalo Sharciga Dalka Oo Ay Cadaalada Gacan Siiyan, Waayo Gal Dacwadeedka Aan Hayo Fayl Ay Leeyihiin Kuma Jirro, Waayo Wargeyska Haatuf Maamulkiisu Waydiiden Afkay Xidheen, Guribay Isku Xidheen Halkaasay Barobogaadhada Ay Warbaahintii Oo Dhan Noo Isticmaalayaan, Marka Talooga Bahan Yahay Waa In Ay Sharciga Horyimadan Oo Ay Isdifaacan, Waayo Jinni Ninkii Keena Bixiya Ayey Somalidu Ku Mahmahdaa, Haaddii Ay Maamulka Wargeysku Leeyihiin Wiixi Aanu Qornay Waanu Cadeynaynaa Way U Furan Tahay Oo Maxkamada Horteeda Ha Ka Cadeeyo.”Ayuu Yidhi Axmed Cisman Mirre.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com