Siyaasiyiinta, iyo Dhalinyarada Beesha Cimraan Sheekh Isaxaaq ayaa taageero xoogan u muujiyay Wax-qabadka Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

0
Monday April 21, 2014 - 21:08:44 in by salman abdi
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta, iyo Dhalinyarada Beesha Cimraan Sheekh Isaxaaq ayaa taageero xoogan u muujiyay Wax-qabadka Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

    Sidoo Kale waxay shaaca ka qaadeen in Beesha Cimraan taageero Xoogan u hayso Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE,dhinaca kale waxay eedayn kulul u jeediyeen dadka ka soo horjeeda horumarka laga sameeyay Degaanka Warcimaraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo Kale waxay shaaca ka qaadeen in Beesha Cimraan taageero Xoogan u hayso Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE,dhinaca kale waxay eedayn kulul u jeediyeen dadka ka soo horjeeda horumarka laga sameeyay Degaanka Warcimaraan.


Guddomiyihii hore ee Gobolka Tog-dheer Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa shirkaasi jaraa’id ugu horeyn ka hadlay Waxaanu yidhi. "Shirkan ujeedadiisa ugu weyni waa mahad naq, runtii mahad naqana marka aad Bixinaysid waa la muujiya oo Ficilbaa lagu muujiya ama hadal, waxaanu xukumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo uga mahad naqaynaa Beel ahaan wax qabadkii laga muujiyey degmada war cimraan "

"Waxaan u jawaabayaa dad lahaa Degmo yar ayaa la tagay oo mashaariicbaa laga furay, waxa nasiib darro ah in la xaasido dad wax loo qabanayo oo la yidhado waxba yaan loo qaban, oo waliba dad aan waligood aan warbaahin ka hadlini inta ay warbaahinta soo fadhiistan ay yidhaahdan maxaa wax loogu qabtay Degmadaasi, oo waliba ay leeyihiin reerkani waa wadda mucaaride maxaa waxa loogu qabanayaa”Ayuu yidhi Jaamac Biin.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Tog-dheer Yaasiin Muxamuud Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay"Runtii waxqabadka Xukumada lama soo koobi karo, xukumadu waxay wax ka qabtay oo ay dhistay waddooyin faro badan, iyo haday tahay siyaasadaha aynu doonayno in aynu caalamka kaga helno Aqoonsi, oo durba aad moodo in midho-dhalkeedi uu soo baxayo, waxaanu madaxweynaha ku hambalyeynaynaa waxqabadka baaladhan ee xukumadiisu qabatay, waxa kale oo aan leeyahay dadka ka xun waxqabadka dalka laga waddo iska yaab aoo xaasidnimada iska daayo, oo haddii degmada Warcimraan waxa laga qabto miyaanay somaliland ahayn, anagu waxanu Xukumada ku hambayeynaynaa Waxqabadkasta oo dalka laga qabto.” Ayuu yidhi Yaasiin Muxamuud Cabdi

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com