MAXKAMADDA GOBOLKA MAROODIJEEX OO XORRIYADDOODII USOO CELISAY XUBNO KA TIRSAN SIRDOONKA SOMALILAND OO MUDDO SANNAD AH KU XIDHNAA SOMALILAND

0
Wednesday February 12, 2014 - 08:22:18 in by Super Admin
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXKAMADDA GOBOLKA MAROODIJEEX OO XORRIYADDOODII USOO CELISAY XUBNO KA TIRSAN SIRDOONKA SOMALILAND OO MUDDO SANNAD AH KU XIDHNAA SOMALILAND

    MAXKAMADDA GOBOLKA MAROODIJEEX OO XORRIYADDOODII USOO CELISAY XUBNO KA TIRSAN SIRDOONKA SOMALILAND OO MUDDO SANNAD AH KU XIDHNAA SOMALILAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXKAMADDA GOBOLKA MAROODIJEEX OO XORRIYADDOODII USOO CELISAY XUBNO KA TIRSAN SIRDOONKA SOMALILAND OO MUDDO SANNAD AH KU XIDHNAA SOMALILAND

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa xorriyaddooda u celiyey afar xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland, kuwaasoo muddo sannad ku dhow u xidhnaa tuhunno  ah inay xidhiidh la leeyihiin kooxo xag-jir ama argagixiso ah.


Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa la sheegay inay wax dambi ah ku wayday xubnaha ka tirsan sirdoonka Somaliland oo xabsiga loo taxaabay bishii February ee sannadkii 2013, kadib markii xubnahaas maxkamadda la horgeeyey maalintii Axadda, iyadoo sidoo kale maxkamaddu xukunno ku riday laba xubnood oo lagu helay inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab.


Xubnaha ka tirsan Sirdoonka Qaranka oo wargeyska Jamhuuriya xadhiggooda baahiyey 3 March 2013, waxa la sheegay in loo haystay tuhunno la xidhiidha inay u adeegayeen kooxo argagixiso ah, isla markaana sidoo kale xubnahaasi sameeyeen baadhitaanno aan maamulku la ogayn, ama loo diran, iyadoo laga shakisan yahay in xubnaha la xidhay ay baadhitaannadaas ugu adeegayeen kooxo argagixiso ah, balse waxa hadda eedahaas loo haystay ku wayday Maxkamadda Gobolka Hargeysa, sidaasna waxa loogu celiyey xorriyaddoodii ka maqnayn muddada sannadka ah.

 

Ma aha markii u horreysay ee la xidhi xubno ka tirsan Sirdoonka Somaliland, balse waxa toddobaad ka hor baadhitaanno iyo hawlgalo ciidammada ammaanka ka sameeyeen Hargeysa lagu qabtay xubin ka tirsan Sirdoonka Qaranka, iyadoo sida la sheegayna tirada xubnaha hadda la hayo ay gaadhayaan ilaa afar xubnood oo ka mid ah sirdoonka Somaliland.


Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraal soo saartay 4 March 2013, ayaa xaqiijisay xadhigga xubnaha sirdoonka ka tirsan ee maalintii Axadda xoriyadooda loo celiyey, iyadoo xilligaas Sirdoonka Qaranku ku dooday inay awood u leeyihiin qabashada cid kasta oo laga shakiyo.


Qoraal ka soo baxay Sirdoonka Qaranka oo lagu daba socday warka Jamhuuriya xilligaas ka qoray xubnaha la xidhay, waxa uu u qornaa sidan; "Wuxuu wargeyska qoraalku ku socdo ee Jamhuuriya cadadkiisa 5065 ee soo baxay 03/03/2013 boggiisa hore far waawayn ku qoray’ "Xubno ka mid ah Sirdoonka Qaranka Somaliland oo lagu xidhay Hargeysa.”

Haddaba, waxaan si kooban Jamhuuriya, wargeysyada kale iyo dadweynahaba ugu wargelinaynaa qodobbaddan hoos ku qoran:


1.   Waxa dhawaan la ansxiyay sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka, kaasoo fasaxaya amma oggolaanaya in aannu qabano cid kasta oo lagu tuhmo arrimo argagaxiso, haddii uu ka tirsan yahay sirdoonka, ciidammada kale ee qaranka, shaqaalaha dawladda iyo dadweynahaba.

2.    Nimankan ka tirsan sirdoonka ee wargeyska Jamhuuriya soo qaaday iyo dad kaleba waannu qabanay, waana la baadhayaa.

3.   Ugu dambayn, waxa socda hawlgallo lagaga hortagayo falalka argagaxisada.

Sidaa darteed, waxaan dadweynaha guud ahaan ka codsanaynaa in la soo sheego cid kastoo lagu tuhmo arrimo argagaxiso, iyadoo aan looga gabbanayn xil uu hayo amma magac bulshada dhexdiisa ku leeyahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka.


Hasayeeshee, Sirdoonka Qaranku ilaa hadda kama hadal go’aanka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku fasaxday xubnaha ka tirsanaa ee muddada sannadka gaadhaysa u xidhnaa tuhunada la xidhiidha arrimo argagixiso.


Dhinaca kale, Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maalintii Axadda xukunno kala duwan ku riday laba nin oo la kala yidhaah; Axmed Ibraahim Axmed iyo Cabdisamad Ibraahim Axmed, kuwaasoo garsooraha maxkamaddu sheegay in lagu helay hawlo argagixiso oo ay ku jiraan, iyadoo Cabdisamad Ibraahim Axmed lagu xukumay 10 sanno o xadhig ah, kadib markii lagu helay inuu ku hawlanaa  falal argagixiso oo lala beegsanayo khubarada ajaanibka ah ee la shaqeeya waaxda Sirdoonka Somaliland, halka Axmed Ibraahim Axmed isna lagu xukumay 5 sanno.


Guddoomiyaha Wargeyska madaxbannaan ee Saxafi Mr. Cabdifataax Ibraahim Axmed, ayaa saxaafadda u sheegay in Maxkamaddu xukun caddaalad-darro ah ku riday Axmed Ibraahim Axmed oo qoyskooda ka tirsan, isagoo sheegay in markhaatiyaashii xeer-ilaalintu keentay aanay maxkamadda hordhigin wax cadaymo ah oo muujinaya in Axmed Ibraahim ku lugleeyihiin eedaha argagixiso ee loo jeediyey.



Afkashacabka.com

Hargeysa Somaliland