Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Dalkaasi Soomaaliya Oo Ku Dhintay Qarax Loogu Xidhay Gadhigi Uu Watay.

0
Monday April 21, 2014 - 21:48:00 in by salman abdi
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Dalkaasi Soomaaliya Oo Ku Dhintay Qarax Loogu Xidhay Gadhigi Uu Watay.

    Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabijiray Isaaq Maxamed Riino, Oo mata ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Xamar Weyne, Gaar ahaan agagaarka Viisho Governo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabijiray Isaaq Maxamed Riino, Oo mata ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Xamar Weyne, Gaar ahaan agagaarka Viisho Governo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loogu xidhay Xildhibaanka gaadhigiisa, Qeybta kursiga darawalka, waxaana la sheegay in gaadhigu markii uu dhaqaaqayey wax yar kadib uu qarxay.

Xildhibaanka ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, Hase yeshee intii loo sii waday ayuu geeriyooday,
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Dhuux uu ku dhaawacmay qaraxa

Goob joogayaal ayaa sheegay in Xildhibaanka keligii uu ku dhintay qaraxa, Iyadoo uu ku dhaawacmay qof kale oo shidaal ku iibinayay dhabarka dambe ee Viisho Governo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii qarax sidan oo kale gaadhi lagu xidhay. uu ku dhintay Xoghayihii degmada Wadajir, waxaana qaraxyada lagu xidho gaadiidka ay mudooyinkii u dambeeyay ahaayeen kuwo ku soo badanayay magaalada Muqdisho, Isla markaana Mas’uuliyiin dhowr ah dhimasho iyo dhaawac loogu

geystay.

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com