Gudomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo maanta Waraysi gaar ah siiyay Qaar kamida warbaahinta ayaa Xukumadda ku cambaareeyay iskudayga Talabaddii maxabiistu kaga Baxsan rabeen Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

0
Monday April 21, 2014 - 22:20:42 in by salman abdi
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo maanta Waraysi gaar ah siiyay Qaar kamida warbaahinta ayaa Xukumadda ku cambaareeyay iskudayga Talabaddii maxabiistu kaga Baxsan rabeen Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

    Cabdi raygal waxa uu shaaca ka qaaday in muran iyo khilaaf laba garab u kala jebiyay hogaanka Xisbigaasi uu ka dhex jiro isagoona ka gaabsaday inuu carabka ku dhufta garabadda usheegay in loolanku ka dhexeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi raygal waxa uu shaaca ka qaaday in muran iyo khilaaf laba garab u kala jebiyay hogaanka Xisbigaasi uu ka dhex jiro isagoona ka gaabsaday inuu carabka ku dhufta garabadda usheegay in loolanku ka dhexeeyo
” wax xooga waxa jira Inamadda Masuliyiinta ah ee xisbiga lagaga tegey ayaa shabadaantii ciyaalka ka dhex ciyaaraya koox gaar ah ayaana talaabaddi la qaadoba maahe talaabo kale qaadaysa waana murashaxiinta waaweyn ee xisbiga kuwa waxaa samaynayaa waxanan usoo jeedinaya wixii loo igamaday maahe waxa kale faraha ha kala baxaan”
Cabdi raygal Beegsi waxa uu Carabka ku dhuftay inay jiraan laba garab oo xisbigu u qaybsamay waxanu yidhi
”anigu garabka samaha wada ayaan ahay garabkaana waxa hogaaminaya Gudoomiyaha xisbiga garabka kalena wayska ku yaryar intaasanan warkayga kusoo koobayaa
Dhowaan ayay ahayd markii khilaaf la sheegay in la xaliyay ka dhex istaadhay gudomiyaha xisbigaasi iyo ku xigeenkiisa balse ma cadda muranka haatan ee la sheegay in hogaanka sare labadda dhinac ugu kala qaybsan yahay iyo waxa uu daran yahay sida masuulkani noo xaqiijiyay Hawlaha habsami usocodka xisbigaasi ayaa la riiqay keli talisnimadda shaqsiyaadka gaar
Gudomiye xigeenka xisbigaasi Axmed Mumin Seed ayaanu isku dayney inaan wax ka weydiino khilaafkani balse aanay noo suurta gelin shirar iyo kulamo saraakiisha Xisbigu ku jireen awgeed kaaso loo macnayn karo inay waan waan is afgarad dhexdooda ka raadinayaan.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com