Sheekh Aadan Siiro Oo Muxu Ku Idhi Calanka Somaaliya iyo Yeese Salka Ku Haysaa Midabka Calankaasi

0
Saturday October 03, 2015 - 12:45:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Aadan Siiro Oo Muxu Ku Idhi Calanka Somaaliya iyo Yeese Salka Ku Haysaa Midabka Calankaasi

    Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa ka hadlay Muhiimadda ay leedahay ilaalinta qaranimada Somaliland, sidoo kalena waxa uu sharraxay micnaha guud ee calanka buluugga ah iyo waxyaabaha loo isticmaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) ayaa ka hadlay Muhiimadda ay leedahay ilaalinta qaranimada Somaliland, sidoo kalena waxa uu sharraxay micnaha guud ee calanka buluugga ah iyo waxyaabaha loo isticmaalo.

Ugu horayn sheekha ayaa ka hadlay ilaalinta qaranimda Somaliland , waxaana uu yidhi Sheekhu "Somaliland gorgortan ma galin karo qof kasta awood kasta ha lahaadee ama Magac kasta ha lahaadee nooc kastaba ha ahaadee, haddii aan calankki buluuga ahaa soo qaado oo aan Masaajidkayga dushiisa aan ka taago oo la yidhaahdo sheekhu Xorriyad ayuu leeyahay berrina saw mid kale bakhaarkiisa ka taagi maayo, Subxaana Laah”

Dhinaca kale Sheekh Aadan Siiro ayaa sharraxay micnaha guud ee uu leeyahay Calanka Buluuga, waxaana uu farriin diblomaasiydaysan u diray cid kasta oo ku hamiyeysa inay is hoos taagto calanka buluuga ah ee Somalia. sheekh Aadan siiro Arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi "Anigoo kuu sheegaya waxa loo yaqaano calanka buluuga ahi waxa uu yahay (Dark Blue) quraanka waxaa ku sugan kuwa Mujrimiinta ah ee ddambiilayaasha ah qiyaamaha waxaa hor socda nin calan sita, calankiisaasina waa buluug saafi ah weeye quraanka ayay ku taalla, bal waxaad baadhaan yaa ka barakaysta Buluuga saafiga ah, bal waxaad baadhaa Munaasibaadka uu leeyahy Maraykanku, waxaad eegtaa Munaasibaadka ay Yuhuuddu leedahay, Maraykanka Iyo Israaiilba calankooda waxaa ku jira Buluug, waayo waxa uu ka mid yahay sifooyinka ay ka barakaystaan”



Contact@afkashacabka.com