DAAAWO: Xisbiga Wadani oo laba garab u kala Fadhiya iyo Guddomiyekuxigenki 3aad ee xisbigaasi oo Arrimo Badan Kashifay

0
Tuesday April 22, 2014 - 08:21:26 in by Super Admin
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAAWO: Xisbiga Wadani oo laba garab u kala Fadhiya iyo Guddomiyekuxigenki 3aad ee xisbigaasi oo Arrimo Badan Kashifay

    Guddomiye ku- xigeenka sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo maanta warbaahinta kula hadlaayay Magaaladda Hargaysa ayaa shacaa ka qaaday in Khilaaf xoogani ka dhexjiro Xisbigaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiye ku- xigeenka sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo maanta warbaahinta kula hadlaayay Magaaladda Hargaysa ayaa shacaa ka qaaday in Khilaaf xoogani ka dhexjiro Xisbigaas.


wuxuuna Sheegay Mr. Beegsi in khilaafka Xisbiga labada garab ka dhigay uu aabe u yahay ninka Xisbiga lagaga sii tagay isagoo u jeeda Guddoomiye ku-xigeenka labaad. Isagoo arrimahaas ka hadlaayana wuxuu yidhi.

 

"Khilaaf waa  jira waxaana u sabab ah  Inamadda Masuliyiinta ah ee Xisbiga lagaga tegey ayaa shabadaantii ciyaalka ka dhex ciyaaraya Xisbiga,  koox gaar ah ayaana talaabaddi la qaadoba maahe talaabo kale qaadaysa waana Murashaxiinta waa-weyn ee Xisbiga kuwa waxaa samaynayaa.” Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee WADANI oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. "Waxaan usoo jeedinaya wixii loo igamaday maahe waxii kale inay  faraha  kala baxaan”

Cabdi rRygal Beegsi oo shacaa ka qaadaya labada Garab ee Xisbigu u kala fadhiyo iyo midka uu isagu tageersanyahay ayaa yidhi. "Anigu garabka samaha wada ayaan ahay garabkaana waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro.”  Geesta kale muddooyinkii u danbeeyay waxaa soo  tarmaayay khilaafka huursan ee u dhaxeeya hoggaanka sare ee Xisbiga, iyadoo  la sheegay in khilaaf bani dhexmaray Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa Axmed Muumin Seed, waxaanu Guddoomiye Cirro debadda u baxay iyadoo ay isku xunyihiin labada masuul. Dhinaca kale waxaa ayaamihii u danbeeyay guux xoogan laga dareemayay garabyada uu Xisbiga WADANI u qaybsamay, taas oo keentay in Guddoomiyihii Saddexaad sicad shaaca uga qaado.

 




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com