Jose Mourinho: Real Madrid Ayaa Weli Ah Kooxdeyda Spain.

0
Tuesday April 22, 2014 - 09:28:38 in by Super Admin
  • Visits: 1331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho: Real Madrid Ayaa Weli Ah Kooxdeyda Spain.

    Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu weli yahay taageere Real Madrid ah inkastoo uu si qaraar uga soo tagay Bernabeu xagaagii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu weli yahay taageere Real Madrid ah inkastoo uu si qaraar uga soo tagay Bernabeu xagaagii hore


Tababaraha labada jeer ku guuleystay Champions League ayaa tagay Spain 2010kii isagoo sannadkiisii ugu horeysay qaatay Copa del Rey ka hor inta uusan kooxda caasimada ka dhisan ku hogaaminin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkiisii labaad.

Xilli ciyaareedkiisii seddexaad waxa uu ku dhameystay koob la’aan , waxaana ay isku dhaceen xiddigo badan oo uu ka mid yahay Iker Casillas, waxaana uu Mourinho dhawaan sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoydiisa inay dhabarka ka toogteem.

Si kastaba, Mourinho ayaa sheegay ka hor kulanka Chelsea ay caawa la leedahay Atletico Madrid ee ka dhacaya Vicente Calderon ee Champions League inuu weli yahay taageere Los Blancos.

"Marka Spain la joogo kooxdeyda waa Real Madrid, marka ay koobab ku guuleystaan kama xumo ee waan ku faraxsanahay” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Mourinho ayaa arkay kooxdiisa Los Blancos oo guuldarro ay ka soo gaareyso Atletico finalkii Copa del Rey ee 2013, waxaana uu diiday inuu ka hadlo tayada kooxda Diego Simieone, isagoo qirtay inuu ixtiraam weyn u hayo kooxda Calderon ka dhisan.

"Halkaan uma joogo inaan idin kala hadlo tayada Atletico; waxaan taas kala soo hadlay durbaba ciyaartoydeyda.” ayuu yiri.

"Kooxna ma timaado semi-finalka Champions League iyadoo aan aad u fiicneyn. Inay halkaan joogaan waxa ay qasab ka dhigeysaa inay yihiin koox aad u fiican.

"Waan ixtiraameynaa, waan daraaseynay waana dhiraandhirinay. Kama hadlayo aragtideyda aan ka heyso Atletico koox ahaan.”


Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com