
Van Gaal Oo Sugaya Shaqada Man United Iyadoo Ay Soo Dhow Dahay In La Ceyriyo David Moyes.
Wargeyska ayaa sheegaya in ninka reer Holland uu haatan ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaala Algarva dalka Portugal waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho wafuud ka socota Manchester United si looga hadlo inuu bedelo Moyes.
Van Gaal ayaa lala xiriiriyay shaqada Tottenham, laakiin waxa uu dib isagu dhigayaa inuu fursad u helo shaqada David Moyes.
Van Gaal ayaa noqon doona mid caan ka noqda taageerayaasha United iyadoo kuwa badan oo ka mid ah ay si aad ah u doonayaan tababare qibrad leh oo guulo ka gaaray shaqadiisa tababare oo kooxda hore u wada.
Van Gaal ayaana dhan walba ku haboon shaqada Old Trafford, isagoo leh qibrad weyn oo kooxeed, Yurub iyo heer caalami isagoo tababare soo ahaa muddo 28 sanadood ah.
Afkashacabka.com / Sports
Van Gaal Oo Sugaya Shaqada Man United Iyadoo Ay Soo Dhow Dahay In La Ceyriyo David Moyes.
Tababaraha xulka Holland Louis van Gaal ayaa diyaar u ah inuu shaqada Old Trafford ka bedelo David Moyes, sida ay ku warameyso Daily Mirror iyo wargeysyada kale.