Muqdisho :Wasiirka Warfaafinta Somalia Oo Caddeeyay in Suxufiyiinta Ku Xidhan Muqdisho heli doonaan Xorriyaddooda Dasuuriga ah

0
Sunday October 04, 2015 - 21:32:15 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho :Wasiirka Warfaafinta Somalia Oo Caddeeyay in Suxufiyiinta Ku Xidhan Muqdisho heli doonaan Xorriyaddooda Dasuuriga ah

    Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xadhiga wariyeyaasha telefishinka Universal oo habeen ka hor lagu xidhay Muqdisho, isagoo ballanqaaday inay heli doonaan xorriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xadhiga wariyeyaasha telefishinka Universal oo habeen ka hor lagu xidhay Muqdisho, isagoo ballanqaaday inay heli doonaan xorriyadooda dastuuriga ah.

Maareeye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka sheegay in xadhigga wariyeyaashan uu dhacay isagoo waddanka ka maqan, laakiin uu kala hadli doono xadhigooda hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Ciidanka dowlada Somalia ayaa xidhay agaasimaha telefishinka Universal ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad oo ahaa barnaamij soo saare, kaddib dood loo qabtay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo inta badan looga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalka.

"Waanu xaqiijinayaa xorriyad-qowlka iyo saxaafadda sida uu qabo qodobdka 18-naad ee dastuurka dalka, waanan xaqiijinayaan in saxaafadda aan dambi lagu gelin,” ayuu Wasiir Maareeye yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. "Wasaarad ahaan waxaa naga go’an in aan ilaalinno xorriyadda saxaafadda iyo tan wariyaha Soomaaliyeed, waxaanan ballan-qaadaynaa inay wariyeyaasha xidhan xorriyadooda heli doonaan.”

Wariyeyaasha u xidhan dowladda Somalia ayaan illaa hadda la ogeyn sababta loo xidhay ee dhabta ah, iyadoo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ka hadlay xadhigan, waxayna dowladda ugu baaqeen inay xorriyaddooda sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan wariyeyaashan xiran.

Contact@afkashacabka.com