Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Wasaarada Deegaanka Somaliland

0
Tuesday April 22, 2014 - 15:58:01 in by Burco Office
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Wasaarada Deegaanka Somaliland

    sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu beeray Geedka horumarinta Deegaanka oo uu Barxada weyn ee Wasaaradda dhex-deeda Ku beeray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu beeray Geedka horumarinta Deegaanka oo uu Barxada weyn ee Wasaaradda dhex-deeda Ku beeray


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo wasaarada Deegaanka loo dhisay, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu beeray Geedka horumarinta Deegaanka oo uu Barxada weyn ee Wasaaradda dhex-deeda.


Madashan maanta ayaa ahayd mid ka duwan munaasibadihii hore ee uu madaxweynuhu ka qaybgelijiray, waxaana ugu muhiimsanaa Hadyado ka samaysan Dharkii hidaha iyo Dhaqanka oo ay Madaxweynaha iyo Marwadiisa ay ugu talo galeen dadka reer miyiga ah ee Somaliland una soo wakiisheen Wasiirada Deegaanka, sidoo kale goobtani waxay maanta ahayd mid aan haba yaraatee lagu arag Sharaab, Keek, Buskud, iyo Nacnac toona balse dadku ay ku mashquulsanaayeen soona xasuusteen Hidihii iyo dhaqankeeni soo jireenka ahaa marka loo eego dhanka cuntada ee maanta ku sugnayd halkaasi, waxaana madasha la isku waydaarsanaayey Caano Geel, Muqmad, Hilib Solaya, Malab, Timir, iyo Subag weliba waa inta aan ka xasuusto cuntooyinka soo jireenka ah ee aad moodo in ay beryahan ka sii dabar’goayaan Goobaha la isku arko.

Dhinaca kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ku dhawaaqay In Guud ahaanba Dalka looga dareeri doono maalintaSabtidaee26kabishan April 2014kakuna Beegan26kaBisha jumaadalaakhir ee 1435kaHijriya.Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo Roobdoon.

Ugu danbaytiina waxa madaxweynuhu shahaado sharaf uu gudoonsiiyey Odayaal wakhtigooda aan marnaba ku lumin Aqoonta Maadiga ah balse ku lumiyey aqontooda iyo wakhtigooda sidii ay u horumarin lahaayeen Aqoonta Deegaanka ay u leeyihiin iyaga oo shahaadadana ku mutaystay la dagaalka iyo ka hortaga kuwa aafeeyey ee dabar gooyey Dhirta iyo daaqa.








afkashacabka.com
Burco / office
contact@afkashacabka.com