Hargaysa:Taliska Booliska Oo Xabsiga Ku Guray Saraakiil Saluugay Qaabka Loo Maamulay Darajoyinka.

0
Sunday October 04, 2015 - 21:42:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Taliska Booliska Oo Xabsiga Ku Guray Saraakiil Saluugay Qaabka Loo Maamulay Darajoyinka.

    Taliska Sare ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay ugu yaraan Toban kamid ah Ciidamada Booliska kuwaasoo saluug ka muujiyey Derejooyin Toddobaadkii dhammaaday uu Taliyuhu Qaybiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Sare ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay ugu yaraan Toban kamid ah Ciidamada Booliska kuwaasoo saluug ka muujiyey Derejooyin Toddobaadkii dhammaaday uu Taliyuhu Qaybiyey.

Saraakiisha La Xidhxidhay, ayaa tiraba laba goor oo hore Taliyaha u gudbiyey Cabashooyin la xidhiidha Derejada la siiyey, kuwaas oo Taliyahooda usoo bandhigay saluugooda, waxana ay tilmaameen in lagu xad-gudbay Derejooyinkii ay xaqa u lahaayeen. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo wargeyska Hubaal soo gaadhayaa, waxa Saraakiishani Badhtimihii Toddobaadkii ina dhaafay iska waayeen Liiska Saraakiil tiradoodu gaadhayso 2130-saraakiil iyo askar-hoosaad iskugu jirey oo hore Taliyaha Cabashadooda qoraal ahaan ugu gudbiyeen, waxana ay xarunta ka sheegeen inaanay ku qanacsanayn Qaabka uu taliyuhu wax u wado, isla-markaana aanay qaadan doonin Habka uu cabashadaas u maamulay.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Md Cabdilaahi Fadal iimaan uu Saraakiishaas u sheegay inay ku qasban yihiin u hoggaansanka Saamig ay ka heleen Derejooyinka, taas Beddelkeedana haddii ay qaadaan waayaan la xidh xidhi doono, isla-markaaana lala tiigsan Doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Tiro badan oo Saraakiil u badan, ayaa Taliyaha u sheegay inaanay macquul ahayn qaadashada Derejoyinkaas oo ula muuqday qaar la rifay, waxana ay taasi keentaya in ugu yaraan Toban sarkaaal Xabsiga loo taxaabo, isla-markaana loo sheegay in maxkamadda dhawaan la geyn doono.
Saraakiisha Xidhan, ayaa ku andacoonaya in taliyuhu si aan haboonayn u maamulay qaybinta Derejooyinkaas, isla-markaana laga haqab tiray cid ay taliska guud gaar isku dhaw yihiin. Saraakiisha Cabashada Qoratay oo tiro ahaan gaadhaysay 2130-Askari, ayaa cabashadooda laga jawaabay kaliya 531-Saraakiil iyo ku-xigeenno iskugu jirta, waxana wali aan loo jawaabin Tiro badan oo cabasho hore u gudbisay. Saraakiisha Xidhan, ayaa dhammaantood ah qaar ka hawligeli jirey Qaybaha kala duwan ee Xarumaha Booliska Magaalada Hargeysa, waxana wali lagu hayaa Goobo kala duwan oo Magaalada Ku Yaalla.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino, ayaanay noo suurgogelin, kadib markii uu ka jawaabi waayey Telefoonkiisa, gacanta, Xaruntiisa shaqadana aanu ka weynay. Derejada Ciidamada Somaliland, ayaa Markii saddexaad la bixiyey, kadib markii ay tiro bateen ciidamada cabanayaa, iyadoo haatan wararku sheegayaan inaanay jiri doonin Derejo dambe oo muddooyinkan qorshaysani, maadamaa Korodhka Derejadu keentay Kharashaad badan oo dhinaca Ciidamada ah.
Source :- Hubaal.

Contact@afkashacabka.com