Daawo: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Wefti uu hogaaminayo oo Kormeer ku Tegey Goobaha Waxbarashada Togdheer

0
Monday October 05, 2015 - 16:31:14 in by salman abdi
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Wefti uu hogaaminayo oo Kormeer ku Tegey Goobaha Waxbarashada Togdheer

    Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa kormeero kala Duwan ku marayey saaka goobaha waxbarashada kala duwan ee Gobolka Togdheer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa kormeero kala Duwan ku marayey saaka goobaha waxbarashada kala duwan ee Gobolka Togdheer,

Wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Wasiirka Waxbarashada Somaliland Faarax Geedoole iyo wasiirudawlaha waxbarashada axmed nur faahiye oo ku sugan magaalada burco ayaa illaa 4 kooxood oo kala duwan u kala qaybiyey kormeeradaasi loogu kuurgelayo xaaladda waxbarasho, tayada macalimiinta iyo duruufaha goobaha waxbarasho isla markaasna kulamo gaar ah la qaatay masuliyinta wasaaradda waxbarashada ee gobolka iyo kormeerayaasha wasaaradda ee gobolka togdheer.Xubnahani kormeerka samaynayey ayaa faahfaahiyey ujeedada kormeerkooda

Maamulaha dugsiga sare ee sheikh bashiir cabdalla abokor ayaa isna uga mahadceliyey masuliyiinta ka socotay wasaaradda waxbarashada kormeerka ay ku yimaadeen dugsiga sare ee sheikh bashiir waxanu uga warramay taariikhda iyo tayada waxbarasho ee dugsiga.

Wasiirka waxbarashada Somaliland iyo Wasiirudawluhu midna kama hadal kormeeradan shaqo balse waxa la filaya marka kormeerkooda ay soo gebogabeeyaan inay tafaasiil guud ka bixiyaan.