Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ku dhawaaqday in Sabtida soo socta Dalka oo dhan Lagaga Tukan Doono

0
Tuesday April 22, 2014 - 16:04:02 in by Burco Office
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ku dhawaaqday in Sabtida soo socta Dalka oo dhan Lagaga Tukan Doono

    Salaada Roobdoonta Oo Maalinta sabtida ah Dalka oo dhan Lagaga Tukan Doono ayaa lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay wasaaradaasi oo u dhignaa sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaada Roobdoonta Oo Maalinta sabtida ah Dalka oo dhan Lagaga Tukan Doono ayaa lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay wasaaradaasi oo u dhignaa sidan:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Warsaxaafadeedka Roobdoonta

Taariikh: Salaasa22/4/2014

 

Sida aynu la socono Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Waxa uu Amray in Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalintaSabtidaee26kabishan April 2014kakuna Beegan 26kaBisha jumaadalaakhir ee 1435kaHijriya.Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo , salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku inaga dib dhaco, Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo Alla ka cabsi iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana Wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga manta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.



 

Sh. Khalil C/llahi Axmed

Wasiirka wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL