Daawo:Wasaarada Warfaafinta Oo Shacisay Kaalinta Ay Ka Qaadanayso Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

0
Monday October 05, 2015 - 17:06:40 in by salman abdi
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasaarada Warfaafinta Oo Shacisay Kaalinta Ay Ka Qaadanayso Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa ka hadashay doorka ay wasaaradda warfaafintu ka qaadanayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa ka hadashay doorka ay wasaaradda warfaafintu ka qaadanayso

 tebinta iyo baahinta ciyaaraha tartanka goboladda dalka, kuwaasi oo maanta gelinka dambe ka kala furi doona magaalooyinka Boorama iyo Burco.

shukri-xariir

Shugri xariirWaxaanay sheegtay wasiir ku xigeenku in ay ka wasaarad ahaan si weyn ugu diyaariyeen sidii ay waaxyabah kala duwan ee wasaaradu uga hawl-gelin lahaayeen ciyaaraha goboladda.

Shugri Xariir oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa tilmaantay in Telefishanka qaranka iyo idaacadda radio Hargeysa ay si toosa u soo gud-bin doonaan ciyaaraha goboladda, sidoo kalena wargeyska dawladda ee DAWAN isna si joogto ah loogu qori doono habsami u socodka tartanka ciyaaraha goboladda.
"Waxa loo kala qaybiyay ciyaaraha goboladda Somaliland Bari iyo Galbeed. Burco waxaa ku ciyaari doona 7 gobol, Boorama-na waxaa ku ciyaari doona 7 gobol. Arrintaasi waxay noqotay mid guul weyn laga gaadhay. Madaxweynaha Somaliland gacan weyn ayuu ka geystay sidii ay u suurto-geli lahayd in ciyaaraha goboladu ka dhacaan Somaliland. Waanay ka qayb qaadanaysaa wasaaradda warfaafintu ciyaaraha goboladda, TV-ga qaranka, wargeyska Dawan, wakaaladda wararka ee Solna iyo Radio Hargeysa”ayay tidhi marwo Shugri Xariir.
Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay sida ay warbaahinta dawladu uga hawl-gelayso. Waxaanay tidhi "Guud ahaan intuba waxaa qollo waliba ay ka qaadanaysaa kaalinta kaga aadan ciyaaraha goboladda. dhamaan goboladda dalka iyo dalalka caalamka oo dhan waxaa si toos ah loogu gudbin doonaa ciyaaraha goboladda iyo sida ay u dhacayaan, anagoo kaashanayna aqoonta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, anagoo ka duulayna awooda farsamo iyo qalab ee wasaaradda warfaafinta, waxaanu qorshaynay in si talan-taali ah loo gudbiyo tartanka ciyaaraha goboladda”.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxa kale oo ay tilmaantay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin is-dhexgalka bulshadda "Ciyaaruhu sidoodaba waxay ka qayb qaataan, oo ay muhiim u yihiin is-dhexgalka bulshadda. Waxay ciyaaruhu muujinayaan amnigu inta uu le’eg yahay iyo dhaqaaluhu halka uu gaadhsiisan yahay.
Sidaa awgeed ayaa iyadoo qaranku ku tashanayo cududiisa ayaad arkaysaa in Somaliland gaadhay in ciyaarihii goboladda lagu kala qabtay Burco iyo Boorama” ayay tidhi wasiir ku xigeenka warfaafinta.