Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja Oo Tababar U Soo Xidhay in ka Badan 50 Suxufi Oo ka Kala Socday Togdheer,Daad-Madheedh,Saraar iyo Buuhodle

0
Tuesday October 06, 2015 - 08:54:19 in by Burco Office
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja Oo Tababar U Soo Xidhay in ka Badan 50 Suxufi Oo ka Kala Socday Togdheer,Daad-Madheedh,Saraar iyo Buuhodle

    Togdheer(Afkashacabka) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa tababar socday muddo saddex maalmood ah Oo ka Furmay magaalada Burco ee xarunta Gobolka togdheer, kaasoo ay ka qaybgaleen in ka badan 50 suxufi oo lagu taba-baray duruus la xidhiidh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Togdheer(Afkashacabka) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa tababar socday muddo saddex maalmood ah Oo ka Furmay magaalada Burco ee xarunta Gobolka togdheer, kaasoo ay ka qaybgaleen in ka badan 50 suxufi oo lagu taba-baray duruus la xidhiidha sharuuucda saxaafadda iyo mabaadii'da aas aaska u ah xorriyatal-qawlka ,iyo doorka saxaafadu ka qaadato hanaanka doorashooyinka.


 





 

 

 

Xidhitanka Tababarkani ayaa waxa ka soo qayb-galay Badhisabka Togdheer,Maayirka Degmada Burco,Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer,Maayir ku Xigenka Burco,Hogaanka Sare Ee Ururka Soljo

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ka hadlay doorka ay saxaafadda Somaliland ka qaadato xorriyad-qawlka, waxaanu tibaaxay mabaadii’da ururkiisu u abuuran yahay inay kow ka tahay in la sugo xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda, sidaa darteedna bahda saxaafadda looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa wararka iyo xaqa dadweynuhu u leeyihiin inay afkaartooda si cad oo sharci ah u dhiibtaan.

Guddoomiyaha SOLJA waxa uu u iftiimiyey in Solja xooga saaray in aqoonta iyo tayada suxufiyiinta kor loo qaado oo wax la baro si suxufiga loola xisaabtami karo,hadii kale suxufigu markaanu aqoon lahayn lalama xisaabtami karo,taasina waa ta keentay in tababaro kala duwan gobolada ugu qabano suxufiyiinta.

 

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta SOLJA, Mr.Kayse Axmed Digaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in suxufiyiinta ka qaybgalay tababarkani ay ka kala yimaadeen Gobollada Daadmadheedh, Togdheer,Buuhoodle iyo Saraar,tahayna markii labaad ee suxufiyiintan loo qabto tababar.Waxa uu intaa ku Daray Mr. Kayse in Solja u taagan tahay difaaca,ilaalinta Suxufiyiinta iyo Kor u qaadista aqoontooda, waxaanu u mahad celiyay suxufiyiinta ka timi Magaalada Buuhoodle oo ah markii u horeysay ee la siiyo tababar saxaafadeed,suxufiyiinta tababarka loo qabtayna ku adkeeyay inay ka faaiidaystaan duruusta tababarka oo ku dabaqaan shaqadooda.

 

 

 

 

Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa soo dhaweeyay tababarkan una mahad celiyay ururka Solja Oo uu ku Amanay Dedalka ay ugu jiraan Horumarka Saxafadda Somaliland,

 

 

 

Mr. Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa macalimiinta hargaysa uga yimi inay bixiyaan tababaradani ayaa usoo jediyay suxufiyiinta dhamaysatay Tababaradani inay shaqadooda ku Debakhaan Cilmigii ay ku Barteen Tababarkani

 

 

 

Maayirka Degmada burco Maxamed Muraad,Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Gaashanle Cabdi Muuse Cabdi iyo Xildhiban indho indho Oo ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo iyaguna munasibadasi ka hadlay ayaa soo dhaweyay tababarkani ay ururka suxufiyiinta Somaliland Solja usoo Gaba-gabeyeen in ka badan 50 Suxufi,




 

 

Gaba-gabadii waxa halkaasi shahadoyinkii lagu gudonsiyay Wariyashii ka Qayb-galay Tababarkaasi,