Dugsiyada Waxbarashada Kenya oo maanta dib loo furay kaddib Shaqo-joojintii Macalimiinta Kenya

0
Tuesday October 06, 2015 - 09:09:24 in by Burco Office
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiyada Waxbarashada Kenya oo maanta dib loo furay kaddib Shaqo-joojintii Macalimiinta Kenya

    Maanta, ayaa waxaa dib oga furmaayo guud ahaan wadanka Kenya Waxbarashadii dugsiyada dowlada oo muddo shan toddobaad ah xirnaa kaddib markii macallimiinta ay diideen horaantii bishii hore ee September iney waxbaraan ardayda, isla markaasna ay dalbade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta, ayaa waxaa dib oga furmaayo guud ahaan wadanka Kenya Waxbarashadii dugsiyada dowlada oo muddo shan toddobaad ah xirnaa kaddib markii macallimiinta ay diideen horaantii bishii hore ee September iney waxbaraan ardayda, isla markaasna ay dalbadeen in Mushaarka loo kordhiyo.


Waxaana labadii maalmood ee ugu dambeysay soo baxaayay caro badan oo Macallimiintu ay ka muujinayaa joojinta mudaharaadkii ay ku jireen, waxeyna sheegeen in rajadii ay ka qabeen in mushaarkooda loo kordhiyo boqolkiiba 50 ama 60 ay wali tahay mid aynan hubin fulinteeda.

Macalimiinta, ayaa sidoo kale waxey walaac ka muujiyeen amarka guddiyada Barayaashu ay ku mideysan yihiin ee kala ah; Midowga Macalimiinta Qaranka Kenya ee (KNUT) iyo Ururka Midowga Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Kenya [KUPPET] oo ay sheegeen in markii hore ay Mudaharaadka galiyeen kadibna ay ku amreen iney shaqada dib ugu noqdaan ayagoo aanan waxba u sheegin.

Barayaasha qaarkood, ayaa ku tilmaamay shaqo joojintii ay galeen iney aheyd mid wakhtiga looga lumiyay, waxeyna ku hanjabeen in aysan mar dambe bixin doonin lacagtii tabarucaada ah ee ururka Macalimiinta ay siiyaan, sidoo kalana aynan u hogaansami doonin amaradooda, isla markaasna aysan mar dambe ka qeyb qaadan doonin mudaharaadyo loogu yeero.

Sababta ay markii hore u galeen mudaharaadka ayey ku sheegeen iney aheyd in loo kordhiyo Mushaarka, balse aynan haynin wali wax isbadal ah oo ku saabsan dalabkoodii.

Dib u furista Iskuulada, ayaa ka dambeysay amar dhawaan ka soo baxay Maxkamada racfaanka Kenya oo ku amartay Macallimiintu iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjaraan shaqo joojintoodii, ayna dib ugu noqdaan Iskuulada. Waxaana sidoo kale Maxkamadu ay mudo 90 cisho ah u qabtay Gudiga Adeegga Macallimiinta ee (TSC) iyo dowlada Kenya iney ku xaliyaan muranka Barayaasha.

Dhanka kale, Golaha Qaranka ee Imtixaanaadka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNEC) Kenya National Examinations Council, ayaa shalay cadeeyay in aanan dib loo dhigi doonin wakhtiga imtixaanaadka la qaadi doono, waxeyna sheegeen in xilligii loogu tala-galay ay dhici doonaan Imtixaanaadkaas.

Guud ahaan ardayda wax-ka-barato Iskuulada dowladu ay maamusho ee ku yaallo wadanka Kenya, ayaanan waxbarasho helin muddo shan isbuuc ah laga soo bilaabo horaantii bishii aynu soo dhaafnay ee September, xilligaasoo Macalimiinta Kenya ay bilaabeen mudaharaadyo ay ku dalbanayeen in mushaarka loo kordhiyo.