Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka oo is casilay, guddomiye cusub oo la doortay iyo guddiga doorashoyinka oo faahfaahin ka bixiyey is casilada guddomiyaha

0
Tuesday April 22, 2014 - 16:14:30 in by Burco Office
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka oo is casilay, guddomiye cusub oo la doortay iyo guddiga doorashoyinka oo faahfaahin ka bixiyey is casilada guddomiyaha

    Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka oo is casilay, guddomiye cusub oo la doortay iyo guddiga doorashoyinka oo faahfaahin ka bixiyey is casilada guddomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka oo is casilay, guddomiye cusub oo la doortay iyo guddiga doorashoyinka oo faahfaahin ka bixiyey is casilada guddomiyaha

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka Md Ciise Yuusuf Xamari ayaa si  rasmi ah iskaga casilay Jagada guddoomiye-nimada guddida doorashooyinka.Mudane Xamari ayaa Guddida xubin ka ah balse iska casilay Gudoomiyaha oo aan wali la ogayn sababta keentay inuu jagadaasi wakhtigan iska casilo. Guddiga doorashada ayaa guddoomiye u doortay afhayeenkii guddiga doorashada Md. Axmed Xirsi Geele.


Guddida doorashada ayaa saaka saxaafadda u sheegay in guddoomiye Xamari uu is casilay, islamarkaana xilkii loo doortay afhayeenkii guddiga. Hase yeeshe Mr. Xamari ayaa sii ahaan doona xubin ka tirsan guddiga doorashada.


Guddida ayaa doorashadii degaanka ee dalka ka dhacday 2012-kii lagu dhaliilay ka dib murano hadheeyay natiijadii ka soo baxday.


Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa Guddida ku eedeeya inaan lagu aamini karin doorashooyinka soo socda.


Dhinaca kale Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Gudoomiyihii Guddigu isku casilay arimo shaqsi ah.

Warsaxaafadeed Guddidu soo saartay ayaa lagu sheegay in Gudoomiye cusub loogu doortay Guddida.

Warsaxaafadeedka Guddida Doorashada ayaa u dhignaa sidan:-

"Maanta oo ay Taariikhdu tahey 22ka April,2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka Qaranku la socodsiinayaa Bulsha Weynta Reer Somaliland,Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada iyo daneeyeyaasha Doorashooyinka:

1)In Gudoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu arimo shakhsi ah awgood codsadey in uu baneeyo jagada Gudoomiyaha KDQ taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsadey xubnaha KDQ 20kii April 2014;

2)Xubnaha KDQ waxa ay si wadajir ah uga aqbaleen (unanimously agreed) in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu baneeyo jagada Gudoomiyaha kDQ iyagoo uga mahad celinaya wada shaqeyntii xilkasnimadii,masuuliyadii iyo hogaamintii wacneyd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Gudoomiyaha KDQ.

3)Sidoo kale, waxa ay xubnaha KDQ siwadajir ah (unanimuosly) ugu doorteen shaley oo ay taariikhdu aheyd 21kii April xilka Gudoomiyaha KDQ Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay illaahay uga baryayaan in uu u fududeeyo howshaa culus.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

1)Maxamed Axmed Xirsi Geelle :Gudoomiye

2)Cali Khadar Xassan Cismaan :G/kuxigeen

3)Eng Ciise Yuusuf Maxamed :Xubin

4)C/fataax Ibraahim Xassan :Xubin

5)C/raxmaan Maxamed Ismaaciil :Xubin

6)Raabi Cabdi Maxamed :Xubin

7)Faarax Abiib Aadan Faarax :Xubin




=Allaa mahad Leh=



Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf

Agaasimaha Guud KMQ"





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com