"Dowladda Somalia Waxaa Horyaalla Caqabado ay ka mid tahay Doorashada "DAJIRAHA BRITAIN

0
Tuesday October 06, 2015 - 09:16:54 in by Burco Office
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dowladda Somalia Waxaa Horyaalla Caqabado ay ka mid tahay Doorashada "DAJIRAHA BRITAIN

    Safiiradda dalka Britain ee Somalia, Harriet Mathews oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ay ka mid ahaayeen; kaalinta dowladda Britain ee gargaarka iyo ciidamada ka socda UK oo Soomaaliya loosoo dirayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiiradda dalka Britain ee Somalia, Harriet Mathews oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ay ka mid ahaayeen; kaalinta dowladda Britain ee gargaarka iyo ciidamada ka socda UK oo Soomaaliya loosoo dirayo.


Safiirada ayaa xustay in xilligan loo baahan yahay in loo shaqeeyo sidii dalal bah-wadaag ah, innagoo kaashanayna Beesha Calaamka iyo dhinacyada ay siyaasadda Soomaaliya ka go’do.

"Waxaa loo baahan yahay inaan u wada-shaqeyno sidii dalal bah-wadaag ah isla markaana aan kaashano beesha caalamka iyo dhinacyada ay siyaasada Somalia ka go’do. Waxaa kaloo loo baahan yahay inaan ka shaqeynno sidii doorashada soo socota ee Somalia ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta,” ayay tiri danjire Harriet Mathews.

Mar ay ka hadashay safiiraddu dhanka gargaarka ayay xustay in gobolka Geeska Afrika ay kusoo wajahan yihiin dabeylaha El Nino, sidaa daraadeedna dowladda Somalia iyo hay’adaha gargaarka ay kala shaqeynayaan sidii looga hortegi lahaa dhibaato kasta oo ay dabeyshan la timaaddo.

"Dabeysha El Nino ayaa nagu soo wajahan. Waana waqti aad u adag oo aanu u baahan-nahay inaan u sii diyaar-garowno. Dowladda Britain waxay ugu deeqday ka hortagista dabeyshan lacag dhan 15-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo loogu talo-galay in dadku ay ka dhistaan biyo xireenno jiinka webiga iyo inay dadka noloshoodu ku xiran tahay beeraha ay cunno kusii kaydsadaan,” ayay ku dartay hadalkeeda safiiradda UK ee Somalia.

Sidoo kale, safiiradda Britain ee Somalia oo ka hadlaysay dhinaca siyaasadda ayay sheegay in sannadka soo socda ay dowladda Soomaaliya horyaallaan caqabado adag oo ay ka yimid yihiin; hirgelinta doorashooyinka, wax ka qabashada amniga iyo dhameystirrada dhismaha maamul-goboleedyada dalka; iyadoo xustay in UK ay garab-taagan tahay Soomaaliya.

"Xukuumadda Somalia waxaa horyaalla caqabado waaweyn sannadka soo socda ee 2016-ka, sidaa awgeed dowladda Britain waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato. Waxaana dhawaaqii Ra’iisul wasaaraha Birtain ee ahaa inuu Soomaaliya u soo dirayo 70 Askari u soo dirayo Somalia ay qayb ka tahay dadaallada Britain ee dhinacyada bani’aadamnimo iyo siyaasadda ee Somalia,” ayay mar kale tiri danjire Mathews.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha UK, David Cameron ayaa dhawaan sheegay inuu u dirayo Somalia ciidammo ka qaybqaata dagaallada ka dhanka ah Somalia, taas oo u muuqanaysa in Cameron uu Soomaaliya kaalimaha hore ka geliyay siyaasadiisa arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn, xukuumadda London ayaa waxay safaaraddeedii dib uga furatay Muqdisho 24-kii bishii Abriil ee sannadkan, iyadoo dowladda UK ay u xil-saartay arrimaha Somalia danjiraheeda Somalia Harriet Mathews iyo mas’uuliyiin ka kala socda wasaaradaha difaaca iyo horumarka caalamiga ah ee dalka UK iyo xafiiska arrimaha dibadda.