MADAXTOOYADA SOMALILAND OO BEENISAY IN XILDHIBAANO GOLAHA WAKIILADA KA TIRSAN LAGA MAMNUUCAY GELITAANKA MADAXTOOYADA

0
Tuesday April 22, 2014 - 16:22:28 in by Burco Office
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXTOOYADA SOMALILAND OO BEENISAY IN XILDHIBAANO GOLAHA WAKIILADA KA TIRSAN LAGA MAMNUUCAY GELITAANKA MADAXTOOYADA

    Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay kuwaasi oo ku saabsanaa Shan xildhibaan oo Xukumaddu ka mamnuucday Galitaanka Madaxtooyada.


Dhuxul oo jiritaanka warkaasi ka hadlayay wuxuu yidhi "Wax jira iyo wax raad leh midna maaha. Madaxtooyadu Muxaafid iyo Mucaaradba waa Madaxtooyadii qaranka,Qof walba oo Muwaadin ahna waa Madaxtooyadiisii.”


Mudane Dhuxul oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi " Amar Madaxtooyadu bixisay ma jiro, Xukumadduna kuma mashquulsana Shaqsiyaad ee waxay ku mashquulsan tahay Arimaha qaranka iyo Horumarintiisa.Amarkaasina gebi ahaanba wax jira maaha, iyagaana la waydiin meesha ay ka keeneen, waana War been abuur ah.”


Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada oo Geeska Africa u waramay ayaa ka dambeeyay warar sheegayay in Shan Xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiilada laga mamnuucay inay Madaxtooyada Galaan. Wararka ayaa sheegayay in Ilaalada Madaxtooyada loo dhiibay Liis ay ku qoran yihiin Xildhibaanada oo Kulmiye iyo Waddani ka tirsan.


Xildhibaanada ayaa kala ahaa Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), Siciid Cilmi Rooble, Ibraahin Mahdi Buubaa, Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Rayte. Xildhibaan Bashiir Tukaale Shalay arintan ka hadlay ayaa sheegay in intii warbaahintu aanay wararkaasi tabin loo sheegay in Liiska la dhigay Afaafka Madaxtooyada balse aanu isagu ahayn dadka Madaxtooyada Gala.





Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com