Xeer illaaliyaha cusub ee loo soo bedelay Gobolka Togdheer, Mudane Axmed Cismaan Mire, ayaa maalintii shalay dacwad ka mid ah dacwadaha lagu wareejiyey

0
Tuesday October 06, 2015 - 18:42:26 in by Burco Office
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer illaaliyaha cusub ee loo soo bedelay Gobolka Togdheer, Mudane Axmed Cismaan Mire, ayaa maalintii shalay dacwad ka mid ah dacwadaha lagu wareejiyey

    Xeer illaaliyaha cusub ee loo soo bedelay Gobolka Togdheer, Mudane Axmed Cismaan Mire, ayaa maalintii shalay dacwad ka mid ah dacwadaha lagu wareejiyey oo ah kiis dil ah la hor keenay maxkamada Gobolka Togdheer si loo dhegeysto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer illaaliyaha cusub ee loo soo bedelay Gobolka Togdheer, Mudane Axmed Cismaan Mire, ayaa maalintii shalay dacwad ka mid ah dacwadaha lagu wareejiyey oo ah kiis dil ah la hor keenay maxkamada Gobolka Togdheer si loo dhegeysto.

Shalay ayaa maxkamada gobolka Togdheer loo muddeeyey in ay dhegeysto dacwad dil ah oo uu ku eedaysan yahay, gacan ku dhiigle, Cumar Maxamed Jaamac Cilmi, oo lagu soo eedeeyey in uu dilay dhibane, marxuum, Maxamed Burhaam Cismaan Yusuf.

Waxaa labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan gacan ku dhiiglaha iyo marxuumkii dhintay ay soo gaadheen heshiis cafis ah oo aabaha dhalay wiilka iyo qabiilka uu ka soo jeedo wiilkii dhintay ba ay soo saxeexeen, sidoo kale ay qabiilka eedaysanhuna aqbaleen in heshiis cafis ah oo mag bixin ah ay raacd heshiiskaas la qaateen reerkii marxuumku ka dhintay.

Labada reer ee marxuumka geeriyooday iyo gacan ku dhiigluhu ka soo jeedaan oo arrinkaas hab dhaqan iyo diineed ku soo dhameeyey oo gacmaha is haysta ayaa shalay soo xaadiray maxkamaddii gobolka Togdheer, iyaga oo ay weheliyaan qareenadii labada dacal ka socday, waxaana heshiisku ahaa in maxkamadda iyo xukuumada Somaliland, gaar ahaan Wasaarada Cadaalada lala socodsiiyo heshiiskaa waafaqsan xeer dalka iyo shuruucda diinta Islaamka.

Xeer illaaliye Axmed Cismaan Mire ayaa diiday, sidoo kale amray in xabsiga loo taxaabo dhibanaha wiilkiisu dhintay ee aqbalay in uu cafiyo gacan ku dhiiglaha wiilkiisa dilay, wuxuuna ku dooday ( xeer illaailiyuhu) in kiiska dib loo furo. Wuxuuna sabab uga dhigay in dad la soo hadleen, dadkaas oo aanu sheegin cidda ay yihiin. Sidoo kale hooyadii dhashay wiilka aanay raali ka ahay cafiska qabiilka. Sidaas awgeed, kiiska dib loo furayo. Waxaa goobta joogay oo iyana diyaar u ahaa cafiska odayaashii hooyada dhalay wiilka dhintay. Hase yeeshe, waxaa dood ka keenay dacwadaas xeer illaalinta oo diiday in cafis heshiis ah la gaadho.

Aabaha marxuumka dhintay ayaa ku tiraabay " In uu cafiyey wiilka dilay wiilkiisa, sidoo kale uu sido heshiis laba beelood, hooyada dhashay wiilkaygana aan ogahay dareenkeeda, laakiin aan qaatay cafiska wiilkaas aan illaahay dartii u cafiyey. Waxaan kaloo cadaynayaa in magtaas hooyada wiilka dhashay ay qayb ku leedahay, anniguna aan diyaar u ahay xaqqeeda in maxkamada horteeda ka siiyo. Laakiin aan cafis qaatay.” Sidaas waxaa yidhi aabaha wiilkiisu dhintay ee Burhaam Cismaan Yusuf.

Weedhaasi markii ay ka soo baxeen aabaha wiilka dhintay, ayuu amray xeer illaalintu in la xidho aabaha wiilka dhintay dhalay, ciidanka booliskana amar ku siiyey in jeelka ay dhigaan Burhaan Cismaan Yusuf.

Saaka ayaa Dacwad ka dhan ah xeer illaaliyaha loo gudbiyey Guddida Cadaalada.

Saaka ayaa waxaa dacwad ka dhan ah xeer illaaliyaha gobolka Togdheer u gudbiyey, Guddida Caddaalada ee ka socday Wasaarada Caddaalada, labada beelood ee ay ka soo jeedeen marxuumkii dhintay iyo gacan ku dhiigluhu, waxayna cabasho ka soo jeediyeen qaabkii loo maareeyey kiiska iyo kharbudaada isku dhufashada ah ee uu sameeyey, xeer illaaliyaha cusub ee gobolka loo soo bedelay Axmed Cismaan Mire. Waxa ay sheegeen in aanay garsoorka Somaliland ka filayn in ay kaga imanayso dhacdo noocaas ah, sidaas awgeed, maadaama ay tahay cadaalad daro iyo amniga oo ay wax yeelayso falka uu ku kacay Xeer illaaliyaha gobolku ay adeegsanayaan xuquuqdooda muwaadinimo iyo beeleed ee sharcigu siinayo, kana gudbinayaan dacwad ka dhan ah Xeer illaaliyaha oo qoraal ah.

Guddidii Cadaaladda ayaa si deg deg ah u waraysatay Xeer illaaliyaha, ka dib markii ay dhegeysteen labada dhinac ee kale, waxayna laaleen go’aankii xeer illaalinta oo ay u arkeen in aany waafaqsanyn sharciga iyo Garsoorka Somaliland, meesha aanay ku jirin dib loo furo kiiskaas, sidaas awgeed aanay maxkamaduna dhegeysan Karin kiskan mar danbe ee lagu socdo heshiiskaas labada beelood.

Jawaabtii labada dhinac ee heshiiska gaadhay ka dib markii ay la kulmeen Guddidii Cadaaladda.

Odayga dhalay wiilka marxuumka ah, Burhaan Cismaan Yusuf iyo Maxamed Cali Ducaale , oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay aad ugu mahad naqayaan Guddida Cadaalada, waxayna sheegeen " In aanu heshiiskani si hawl yar uga soo go’in Burhaan Cismaan Yusuf( aabaha wiilka dhintay) , runtiina aanu aad uga xumaanay in carqalad la geliyo heshiiskaa labada beelood iyo labada qoys gaadheen, waxaanuna leenahay waa in si qoto dheer loo eega aflkaas xeer illaaliyuhu ku kacay, si aanay ugu dhicin cid danbe, waayo nabad gelyada ayay halis ku tahay kharbudaad noocan oo kale ahi.” Maxamed Cali Ducaale, Burhaan ayaa isna dhankiisa u mahad naqay guddida Cadaalada.

Waxaa noo suurto gelin aanu wax ka waydiino guddidii cadaalada oo iminka laashay go’aankii xeer illaaliyaha. Sidoo kale ma cadda talaabada xeer illaaliyaha ay ka qaadayso guddida cadaalada iyo wasaarada garsoorku.

Yusuf Cali Xersi

Burco