Madaxweynaha Somliland oo Lagu Casuumay Machadka Nabda Ee Dalka Ireland

0
Tuesday October 06, 2015 - 19:07:52 in by Burco Office
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somliland oo Lagu Casuumay Machadka Nabda Ee Dalka Ireland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation).
Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaanahalkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Qaran Nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen Dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraad ah.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku Wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo Toosiye, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha caalamiga ah, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.