
War Deg Deg ah: Koox Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saaka Waaberigii Hore Guriga Badhasabka AWDAL iyo Ilaaladii Badhasabka oo Qaar ku dhinteen
isla markaasn ay dileen laba ka mid ah ilaaladda Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Weerarkan oo ay ku soo qaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada Boorama dabley hubaysan saaka waabarigii hore ayaan illa hadda la xaqiijin halka ay ka timi kooxdaasi iyo cidda rasmiga ah ee ay yihiin.
Balse waxa jira tuhunno la xidhiidha inay weerarkaas soo qaadeen kooxda Suldaan Wabar oo dhawr jeer oo hore weeraro gaadmo ah ku soo qaaday xarumaha dawladda ee magaalada Boorama. iyagoo hore na sidan oo kale u soo weeraray guriga guddomiyaha xilligii uu guddomiyaha ahaa Cabdoo Axmed Aayir.
Weerarkan oo ahaa mid argagax ku riday dadkii ka ag dhowaa guriga guddomiyaha isla markaasna rasaasta ay is weydaarsadeen kooxdaas iyo ilaalada guddomiyuhu laga maqalyey qaybo badan oo ka mida magaalada Borama ayaa sidoo kale sababay dhaawaca qaar ka tirsan isla ilaaladaas guriga badhasaabka.
Wixii warar ka soo kordha weerarkaasi kala soco afkashacabka.com
War Deg Deg ah: Koox Hubaysan oo Weerar ku Qaaday Saaka Waaberigii Hore Guriga Badhasabka AWDAL iyo Ilaaladii Badhasabka oo Qaar ku dhinteen
Wararka naga soo gaadhaaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxay sheegayaan in dabley hubaysani weerareen Guriga Guddomiyaha Gobolkaasi AWDAL