Xeer Ilaalinta Gobolka Oo Ka Hadlay Xayiraadda Mareegtii Wararka Ee Wargeyska HAATUF

0
Tuesday April 22, 2014 - 16:27:11 in by Burco Office
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaalinta Gobolka Oo Ka Hadlay Xayiraadda Mareegtii Wararka Ee Wargeyska HAATUF

    Madaxa Xafiiska Xeer illaalinta Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cisman Mirre ayaa ka jawaabay eeddo uu sheegay in ay kaga yimaadeen Maamulka Wargeyska Haatuf ee dhawaan ay Xukuumaddu xayiraadd saartay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Xafiiska Xeer illaalinta Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cisman Mirre ayaa ka jawaabay eeddo uu sheegay in ay kaga yimaadeen Maamulka Wargeyska Haatuf ee dhawaan ay Xukuumaddu xayiraadd saartay..

waxaanu hoosta ka xariiqay in maamulka Wargeyka Haatuf ay u banaan tahay in ay iska difaacan Dacwadaha ka yaala maxkamadda.

 

 

Sidaasi waxa uu sheegay Shirjaraa’ id oo uu shalay ku Qabtay Xafiiska Xeer Illaalinta Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, waxanu yidhi "Kiiskan Haatuf ee gacanta ku hayno Booliska ayaa soo baadhay, marka boolIskuna waxay codsadeen in Wargeyska Haatuf gudoomiyahiisa iyo Tafatirahaba in waxa laga waydiiyo dhibaatada uu qorayo wargeyskaasi, kaasi oo qoray Borobogaandho Lidi ku ah qaran, oo isku jira warar aan run ahayn iyo mid kicinaya dadka oo waliba ay qoraalkoodu noqday mid taxane ah oo socda, qofna kama sareeyo xeerka ciqaabta guud ee ummadu wada leedahay, iyada oo loo raacayo xeerka saxaafadda, loona akhriyayo dambiyada lagu eedeyey”

Xeer ilaaliyuhu waxa kale oo uu sheegay "Maxkamadda ayaanu  soo waydiisanay in loo ogolaado  qolada Haatuf  in ay yimaadan oo ay iska difaacan eedaha loo soo jeediyey, maxkamadiina way aqbashay qoladii Haatufna waa loo geyey wayna soo diideen, sidaasi darteed maxkamaddu waxay xayirtay wargeyska Haatuf markii ay eedihii iska difaaci waayeen, haddana danbigii may joojin ee halkii ayey ka sii waden oo website-kooda ayey isticmaaleen, kana waa la joojiyey oo maxkamadda ayaa qoraal ka soo sartay in la joojiyo website-ka,  saddexdii qoraal ee ay maxkamaddu qortayna sidaas ayay ahaayeen”

Mar la waydiiyey in in aanay dhex-dhexaad ka ahayn Kiiska wargeyska Haatuf oo ay  dawladda u janjeedhaan  oo aanay waxba ka waydiina Maamulka Haatuf arrinta lagu soo eedeyey waxa uu kaga jawaabay "Muhiimadda ugu weyni waa in Wargeyska Haatuf aqbalo sharciga dalka oo ay caddaalada gacan siiyaan, waayo gal-dacwadeedka aan hayo fayl ay leeyihiin kuma jirro, waayo wargeyska Haatuf maamulkiisu waydiideen  oo afka ayay xidheen, guribay isku xidheen, halkaasay Barobogaadhada ay warbaahintii oo dhan noo isticmaalayaan, markaa ta looga baahan yahay waa in ay sharciga horyimadan oo ay isdifaacan” ayu yidhi





Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com