Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo
Shahaadoyin lgu guddoniyey Dufcaddi 4aad ee ka qalinjebisa Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee CSI, Xafladdaas oo lagu Qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, ayay ku qalin jabinayeen 95 arday oo ka aflaxay machadkaasi shaqaalaha Dawladda (Civil Servervice Institute).
Waxa kale oo xafladan ka soo qeyb-galay Madaxwayne kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, xubno ka mida golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Shaqadda iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda, taliyaha ciidanka Booliska, waalidiin iyo ardayda qalin jibaniyasay.
Agaasimaha guud ee machadka shaqaalaha dawladda Mr. Guuleed Saleebaan Axmed, oo ka hadlay xafladaasi hambalyo u diray ardayda qalin jabisay, oo uu xusay inay hawl-adag u soo dhabar adaygeen saddexdii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu yidhi "Hambalyo hambalyo waxaynu maanta (shalay) u taag nahay xafladii qalin jabintii afraad ee Machadka shaaalaha dawladda, waxaana maanta qalin jabiyay 95-arday, waxaan aad ugu hambalyeynayaa ardaydan oo ah waalidiinta, isla markaan ah ardayda manta halkan ka qalin jabisay ee xafladoodana u wada fadhino ee u soo dhabar adeegay saddex sannadood oo shaqo adag ah, machadka tababarka shaqaalaha dawladda markii uu arkay record-kii ay u soo gudbiyeen Xafiiska diiwaanka ee registerer-ka machadka, markuu la tashaday qaybaha kala duwan ee waaxaha ee machadka, markii ay buuxiyeen ardayda fadhida halkani sharuudihii looga baahnaa darajada aqoonta koowaad (degree)-ga, waxa ay maanta ku qalin jabinayaan shahaadada heerka koowaad ee jaamacada ee Bachelor Degree-ga.”
"Waxa ardadaydan qalin jabisay ka kooban yihiin saddex Kulliyadood, kulliyadda xisaabaadka waxa ka aflaxay 22 arday oo 9 ka mid ahi ay yihiin dumar, kulliyadda barashadda maamulka dawliga ah (Public Administration) oo ay ka qalin jabiyeen 33 arday oo 7 ka mid ahi ay yihiin dumar iyo kulliyadda horumarinta maamulka (Development Management-ga) oo ay ka qalin jabiyeen 40 arday oo 12 ka mid ahi yihiin haween, markaa tirada guud ee machadka ka qalin jabisay waxa weeyi 95 araday 28 waa dumar, markaa waxa ay muujinaysaa hadafkii noo yaalay ee ahaa tiradda ardayda ee dumarka ee ahaa inay 30% ahaato,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Machadka shaqaalaha dawladda Guulleed Saleebaan Axmed.
Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladda Prof.Maxamed Mixile Boqorre, ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jabisay iyo dedaalka maamulka Machadku ugu jiro inuu daboollo baahida waxbarashadda ee loo sameeyay.
"Aad ban ugu hambalyeenayaa ardaydan qalin jabisay. waxaan leeyahay hambalyo waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa wasaarada maaliyadda, machadka tababarka shaqaalaha dawladda maaliyad la’aan ma shaqaynayo.awgeed ma shaqenayo, lacagta UNDP markay ka tagto Wasaaradda Maaliyadda ayaa bixisa. bixiya, waxa ay ku socdaa Machadku waa maaliyadda,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaaluhu.
Waxa isna halkaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka warramay faa’iidada iyo ahmiyada balaadhan ee uu machadka Civil Service Institute-ku uu u leeyahay qaranka.
"Runtii waxa dhammaanteenba innoo farxada in shaqaalihii dawladda ee hawsha qaranka gacanta ku hayey inay maanta halkan qeybo ka mid ahi ay ku qalin jabinayaan dufcadii afraad ee machadka tababarka shaaalaha dawladda waxayna ka mid tahay dar-dar gelinta maamul wanaaga iyo horumarka dalka, shaqadu waxay u baahan tahay meeshii lagu shaqenayey oo la hagaajiyo iyo qofkii shaqeynayey oo la tabobaro si loo helo adeegii ummadu u baahnayd, runtiina waa wax lagu faani karo machadkeennu mudadii uu jiray iyo horumarka iyo isbedalka balaadhan ee uu gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Gabo gabadii madaxwayne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shahaadooyinkii gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay kuliyadaha kala duwan ee lagu dhigto machadkaasi.
Daawo: Madaxweyne kuxigenka Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey ku Dhowaad 100 Arday oo ka qalinjebiyey Maxadka Shaqaalaha Dawladda CSI
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo