Marwada Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaadatay Madaxda Hay'ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wid

0
Wednesday October 07, 2015 - 09:18:04 in by salman abdi
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaadatay Madaxda Hay'ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wid

    Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Ireland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Ireland,

 ayaa kulan la qaadatay Madaxda ugu saraysa hay’ada ugu weyn waddanka Ireland ee Mucaawinooyinka deeqaha gaadhsiisa dalalka Afrika, taas oo loo yaqaan Concern World-wide Charity.

12077370_10153649350398535_467149970_n12087531_10153649409168535_1742994247_n12092627_10153649409558535_1694361512_n12092173_10153649408913535_1570688318_n12076932_10153649408838535_1454172371_n

Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Waris waxaa xarunta Hay’ada ku qaabilay Guddoomiyaha hay’adaas, Dominic MacSorely iyo saraakiisha sarar sare ee Concern World-wide. Madaxda ugu sareeya Hay’ada Cincern ayaa sheegay in laamaha ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qaybo kamid ah Gobolada Galbeed ee Waddanka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabilay, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay isbadal ku sameeyaan sidii Gobolada kale hay’addu u gaadhi lahayd.

Marwada Qaranka Somaliland, waxay u soo bandhigtay inay xooga saaraan Gobolada Bariga ee dalka sidii ay u gaadh siin lahayeen takulayn tooda. Sidoo kale waxay ka codsatay inay Xukuumadda Ireland ku dhiiriyaan sidii ay ugu soo biirilahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF. Waxayna Madaxda hay’adda Concern World-wide ballan qadeen inay baladhin doonaan mashriicda Somaliland. Hay’adan Concern World-wide ayaa ah mida ugu weyn dalka Ireland dhinaca mucaawinooyinka, waxayna wax ka qabata, Waxbarashada, Beeraha iyo Biyo Xidheenada.

12077370_10153649350398535_467149970_n12080951_10153649409388535_1779177944_n12080951_10153649409388535_1779177944_n12086742_10153649409218535_2068583416_n

Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxaa kulankaas ku wehelinaayay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas.