"Waxaan Gadhahaasi Agoomaha Ah Siinayaa Oo Aan Ugu Deeqay 5,000-kun Oo Doolar Iyo Shaqo, balse waa in laga joojiyaa.."Sh. Aadan Siiro

0
Wednesday October 07, 2015 - 09:52:55 in by salman abdi
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Gadhahaasi Agoomaha Ah Siinayaa Oo Aan Ugu Deeqay 5,000-kun Oo Doolar Iyo Shaqo, balse waa in laga joojiyaa.."Sh. Aadan Siiro

    Sheikh Aada Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada ugu miisaanka Culus Somaliland gaar ahaan Gobolka Maroodi jeex ayaa shalay goob fagaare ah kaga dhawaaqay lacag adag oo doolar ah iyo shaqo uu siinaayo shan gabdhood oo ka tirsan Xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheikh Aada Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada ugu miisaanka Culus Somaliland gaar ahaan Gobolka Maroodi jeex ayaa shalay goob fagaare ah kaga dhawaaqay lacag adag oo doolar ah iyo shaqo uu siinaayo shan gabdhood oo ka tirsan Xarunta Agoomaha Hargeysa

,kadib markii uu ka xumaaday Ciyaar hidi iyo dhaqan ah oo ay ku soo bandhigeen Xaflad Jaamacada Cusub Xadhiga lagaga jarayay.

Sheikh Aadan Siiro oo shalay ka qayb galay xaflad balaadhan oo xadhiga lagaga jaray Jaamacada Cusub oo la magac baxday Maroodi-Jeex University oo ka dhacday Huteelka Maansoor ee Hargeysa ayaa markii uu khudbadii laga siiyay xafladaasi dhamaystay markale dalbaday in makarafoonka loo dhiibo. Sheikh Aadan Siiro ayaa si murugoleh uga hadlay Shan gabdhood oo Xarunta Agoomaha Hargeysa ka tirsan oo markaasi uun Fagaaraha ka jeediyay Heeso Hidiyo Dhaqan ah,waxaanu sheegay inuu aad uga xumaaday in Gabdhahaasi oo Agoon ah inta dhar cawro ah loo soo xidho,waxbaa la idin siinayaaye Fagaare ka heesa la yidhaahdo,waxa uu sidoo kale sheegay in Gabdhaha agoomaha ah waajib dadka ka wada saaran yahay in dhaqankooda hanaan suuban loo dhiso,diinta Islaamkana lagu carbiyo.

Sheikh Aadan Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro) ayaa soo jeediyay in Gabdhahaasi laga joojiyo in sidan oo kale loo isticmaalo oo aan mardambe Fagaare la soo joojin,waxaanu halkaasi kaga dhawaaqay inuu shantaasi Gabdhood ee Agoomaha ah iyagoo isku duuban uu ugu deeqay 5,000-kun oo doolar iyo shaqo tan uga wanaagsan oo uu siinayo,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ""Waxaan Gadhahaasi Agoomaha Ah Siinayaa Oo Aan Ugu Deeqay 5000-kun Oo Doolar Iyo Shaqo balse waa in laga joojiyaa arimaha noocan oo kale ah ee aan u wanaagsanayn Mustaqbalkooda”. Dadkii Xaflaasi joogay ayaa si weyn ugu sacbiyay Sheek Aadan Siiro,soona dhaweeyay gargaar ah bini-aadamnimada leh ee uu Gabdhahaasi agoomaha ah u fidiyay,.

Sheikh Aadan siiro ayaa ka mid ah Culimada Faro ku tiriska ah ee reer Somaliland ee sida joogtada ah gacanta weyn uga gaysta una samafala dadka taagta daran iyo Agoomaha,waxaana dareenkiisa shalay ka muuqatay inuu aad uga xumaaday Gabdhahaasi Agoomaha ah ee mudan in mustaqbalkooda la dhiso in jidkaasi lagu ababiyay aanay waxba u tarayn mustabalkooda nooleed.Sheekh Aadan Siiro wax faah faahin ah oo kale muu sii galin oo kamuu hadal shaqada uu siinayo nooca ay tahay,balse waxa ay dadkii Xaflada joogay u fasirteen inuu Sheekhu doonayay inuu Gabdhaasi ka leexiyo jidkaasi aanu jeclaysan islamarkaana uu qorsheeyay inuu u sameeyo shaqo abuur ay ku dabaraan noloshooda iyo ta qoyskoodaba.