Taliye Ku Xiggeenka Ciidanka Baadhista Dambiyada (C.I.D)Ee Gobolka Saaxil Oo Muddo Toddobaad Ah Ku Xidhan Berbera

0
Tuesday April 22, 2014 - 18:29:27 in by salman abdi
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ku Xiggeenka Ciidanka Baadhista Dambiyada (C.I.D)Ee Gobolka Saaxil Oo Muddo Toddobaad Ah Ku Xidhan Berbera

    Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Gobolka Saaxil Ayaa Muddo Toddobaad Ah U Xidhan Baadhista Kiiskii Dilka Ahaa Ee Magaaladda Berbera...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Gobolka Saaxil Ayaa Muddo Toddobaad Ah U Xidhan Baadhista Kiiskii Dilka Ahaa Ee Magaaladda Berbera...

Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Gobolka Saaxil Ayaa Muddo Toddobaad Ah U Xidhan Baadhista Kiiskii Dilka Ahaa Ee Magaaladda Berbera Ay Ugu Gaysteen Haweenayda Ninkii Xildhibaan Qabile Rasaaseeyey Iyo Booliisku.

Dilka Loo Gaystay Haweenaydaas Isla Markaana Lagu Dhaawacay Wiil Uu Xildhibaan Qabile Dhalay Ayaan Wali Wax Go’aan Ah Laga Soo Saarin, Waxaanay Wararku Sheegayaan Sababta Taliye Ku-Xigeenka Loo Xidhay In Ay Tahay Baastooladdii Uu Sitay Ninkii Xildhibaan Qabile Weeraray Oo Ay Rasaastii Laga Riday Iyo Tii Ku Jirtay Isku Maan-Dhaafsan Yihiin Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Oo Kiiska Gacanta Ku Hayey Iyo Taliye Ku-Xigeenka Booliiska Gobolka Saaxil.

Muranka Ka Taagan Baastooladaasi Isla Markaana Loo Xidhay Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Ayaa La Sheegayaa In Ay Madaxda Booliisku U Xidhay Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Kaasoo Lagu Eedaynayo In Uu Sheegay Tiro Ka Badan Ta Uu Taliye Ku-Xigeenka Qaybta Booliisku Ku Doodayo In Ay Ku Jirtay Markii La Qabtay Eedaysanaha.

Ilo Wareed U Dhuun Daloola Kiiskan Ayaa Sheegaya Booliisku In Ay Amreen Xadhiga Kadib Markii Muranka Baastooladaasi Galay In Ay Saraakiishu Isku Tuur Tuurto, Waxaanay Arrintani Murginaysaa Baadhista Falka Keenay Dhimashada Iyo Dhaawaca Oo Ay Isku Tuur Tureen Booliiska Iyo Ninka Baastoolada Sitay.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com