Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Dhego Adaygay Amar Uu Ku Simaha Madaxweynuhu Faray

0
Saturday October 10, 2015 - 16:35:38 in by Hargeysa Office
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Dhego Adaygay Amar Uu Ku Simaha Madaxweynuhu Faray

    Wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa la sheegay inuu ku gacan saydhay amar uu Madaxweyne ku-xigeenka, ahna kusimaha Madaxweynuhu ku siiyey inuu faraha kala baxo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa la sheegay inuu ku gacan saydhay amar uu Madaxweyne ku-xigeenka, ahna kusimaha Madaxweynuhu ku siiyey inuu faraha kala baxo  

 isla markaana kaga soo laabto booqasho usbuucyadan uu ku joogaay Magaalada Berbera oo cabasho laga muujiyey arrimo siyaasaddeed iyo dhaqdhaqaaqyo uu ka sameeyey.

Maamulka Gobolka Saaxil, Maayirka Degmada Berbera iyo Masuuliyiinta kale ee Hay’addaha Gobolka, ayaa la sheegay inay cabasho ka dhan ah Wasiirka soo gaadhsiiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Arbacadii la soo dhaafay, iyagoo ku eeddeeyey inuu arrimo xasarad iyo buuq ka dhalinaya Gobolka faraha kula jiro. Waxyaabaha ay sida gaarka ah farta ugu fiiqeen, kuna ashkateeyeen Wasiirka Waxa kamida, xadhig uu kula kacay Suxufiyiin ka howl-gala Warbaahinta Madaxbanaan, Odayaal iyo Siyaasiyiin Gobolka ka soo jeeda, kuwaasoo la xidh-xidhay saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinacyada Ashkatada gudbiyey u gudbiyey Madaxweynaha iyo Wasiirka toona, hase-ahaatee sida ay xalay baahiyeen qaar kamid ah degellada wararka Somaliland baahiya oo arrintan wax ka qoray isla markaana aanu kasoo xiganay ayaa intaa ku dartay In Madaxweyne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynuhu Md. Cabdiraxmaan Cabdillaai Ismaaaciil (Seylici) uu Wasiir Cali-gadh-dheer amar ku siiyey inuu Hargeysa yimaado, isla markaana uu hakiyo howlaha uu u joogo Magaalada Berbera, amarkaaas oo uu wasiir-ku-xigeenku ku gacan-saydhay Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana la sheegay inuu ku doodday inuu Berbera ku joogo amar madaxweyne, howlaha uu wadaana ay yihiin kuwo Madaxweynuhu u xilsaaray oo aanu joojinayn ilaa amar dambe oo Madaxweynaha uga yimaada. Go’aanka wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Gadh-dheere ku diiday amarka Madaxweyne ku- xigeenka, ayaa warku intaasi ku daray inuu Ismaandhaaf ka dhex abuuray labada Masuul, kaasoo aanay ilaa hada xal ka gaadhin, balse sida warka lagu sii sheegay uu Madaxweyne ku-xigeenku faraha ka qaaday, kaddib markii uu Wasiirku diidday inuu aqbalo. Wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer), ayaa kamid ah xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Maareeyayaasha Hay’addaha madaxbanaan oo Olole ugu jira Kireynta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo ay Xukuumaddu doonayso inay ku wareejiso ama ka kireeyso Shirkaddo gaar loo leeyahay. Qorshahaas oo buuq iyo Khilaaf heer Qaran ah abuuray, ayaa markii u horaysay Golaha Wakiilladdu Qaraar aqbaliyad ah isku hor-taageen, balse ilaa hada ay xukuumaddu ku goodinaysaa inay fuliso. Arrintan Khilaafka ka dhex dhalisay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiir ku-xigeenka ayaa imanaysa iyadoo uu socdaal dibaddeed ku maqanyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo sida Wasiirku ku andacooday halkaa u diray intii aanu dhoofin.