
IN YAR AYAAD QURUX BADANAN IN BADANA WAA FOOLXUMAN .W/Q HINDA CABDI SHEEKH
Mawducan
manta waxan ku falan qeynaya Dawooyinka
ay dumarku isku cadeeyan iyo samaynta xun ay ku hayso Durmarkeena Soomaaliyed.
Daraasad cusub oo la sameeyey waxa ay muujineysaa in dawooyinka
ay isticmaalaan dumarka Soomaalida si ay isugu caddeeyaan in ay ku jirto sun
halis badan u keenta Khatar noloshooda iyo nolosha ilmaha uurka ku jira ah.
Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka
mid ah in waxyaabaha la’is mariyo ay ku jirto sunta mabnuuca ah ee lagu
magacaabo "Mercury”, taasi oo wax yeesha dareemayaasha, kaadi-Mareenka,
islamarkaasina xitaa halis gaadhsiisa ilmaha uurka ku jira iyo kuwa naaska
nuugaya.
Ka sokoow halista ay u geysato
jidhka oo ay dubka ka ridaan, waxaa jirta halis intaasi kasoo balaadhan sida
xanuuno la xidhiidha dhanka wadnaha Kansalka maqarka .
hadii mid ka mid ah habalaha somaliyeed ay
wax ismariso qaar badan ayaa kaga
dayanayaa waxaasi ay isticmaashay iyada oo aan loo eegay dhib iyo dheef waxa uu
ugaysan karo.
hadaba waxaa iswaydiin leh waa Maxay Dawada Ay
dumarka somalidu isku Cadeeyaan?
Dawooyinka
Dumarku isku Cadeeyaan waxaa ka mid ah Daawooyin loogu talo galay in lagu
daaweeyo Elerjiga iyo Caabuqa naburada, qaar kalena ay ku yihiinba khatar
jidhka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah Daawooyinkaasi:
.
Sheerli, Roose, muuf, farableen, Biliij, Riikoo, Top sheerli, Ritaana,
Silfaana, Bitnoofaad, Riikoo Dhiiqo, Super Rose,Diyana, Silvana cream Iyo
Qaar kale oo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay somalidu degto oo aanan
kusoo koobi Karin magacyadooda halkan loona istimaalo qaybaha kala duwan ee
Jidhka, Gaar ahaana Wejiga, Gacmaha, Lugaha, Qoorta, iyo Qaar la mariyo Jidhka
oo dhan. Waxa intaasi dheer Bacaha lagu xidho Gacmaha, lugaha, iyo Qaar lagu
seexdo habeenkii loo Gashato sida Dharka oo kale.
Badanaa
Dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay Dhibaatooyin Laxaadle u gaystaan
Caafimaadka Qofka ismariya waxaana ka dhalan kara Cudduro hor leh , waxana ka
mid ah.
- Waxa
ay Raadad xunxun ku reebaan Maqaarka Qofka isticmaala.
- waxa
ay Dilaan unugyada Difaaca Maqaarka.
- Dabka
iyo cadceeda oo ay u nuglaadan
- Waxa
uu Dibada usoo saaraa Xadidada Dhiiga qaada
- Waxaa
dhibaato ugaystaa Aragtida indhaha ee Qofka isticmaala
- Waxa
uu unuglaadaa Qofka istimaalaa inuu ku dhaco Kansarka Maqaarka.
- Waxa
aan hore u bogsan Naburada ku dhaca Jidhka qofka ismariya Dawooyinkani.
- Waxaa
ku sameeyaa Maqaarka Cuncun badan iyo Xasaasiyad
- .
Waxaa uu Cimri Degdeg ku keenaa Maqaarka.
- Waxa
ay ku Abuuraan Maqaarka qofka ismariya, Canbaar, iyo finan farabadan.
Waxa kale oo ay dhibaato Dhaqaale ku haysaa qofka istimaala dawadu oo hadh iyo habeen ay unoqotay balwad
joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi Karin.
Hadaba Maxaa Sababay In Dumarka Somaliyeed isticimaalan
dawooyinkan.
Badanaa
waxa ay tusaale gaaban iyo Jawaab ka Dhigtaan Dumarka Somaliyeed marka aad
waydiiso maxa isku cadaysa,waxay kugu jawabaysa in aan Qofka madaw aan La tixgalin, Dhinaca
guurka oo ay ka nasiib badantahay inanta Cad, oo ay somalida wakhtigani
aaminsanyihiin Quruxda ugu mudani inay tahay Cadaanka.
Raga
ayaa ku beerla xawsada Dumarka midabka madawleh in ay jecel yihiin gabadh midab
caas leh , iyaga oo ku dheeldheelaya Midabka dahabiga ah ee Illaahay ku
manaystay ama quudhsanaya Gabadha madaw, Doqon iyo Habeenbaa madaw ee is cadee!
Taasi
oo ay si qaldan ufasirtaan micnaha
Maahmaada oo looga jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay iyada oo
gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay, waxaanay hal hays
unoqotay Hablaha is cadeeya oo faan ka dhigtay baryahan danbe "Doqon iyo Habeen
baa madaw”.
Dumarku
badanaa waa kii Nabi Maxamed N,N,K Xadiis laga soo wariyay uu lahaa "waa
Naaqisaatu Caqli wa diin”. way jiraan Dumar badan oo Dhaqanka iyo Diinteena
Suuban ku dhaqma oo ka dheeraada wixii Dhibaato ukeeni kara Diintooda,
dhaqankood, iyo Naftoobada.
Waxyaabaha
ugu waawayn ee loo aanayn karo Dhibtaasi waxaa ka mid ah Aqoon la,aanta iyo
Jahliga oo ku badan Dumarka Somaliyeed, hadday noqoto Xaga Diinta iyo Cilmiga
kale ee Maadiga ah, Qofka bani aadamka ahna Aqoontu way toosisaa, wayna
nuurisaa, Dariiqa Saxda ahna badanaa kama baydho.
Qodobka
labaad ee loo aanayn karo waxaa weeyi Raga intiisa badan oo aan si uwada
tixgalin Dumarka Madaw iyo Dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba baryahan
danbe noqotay midabka cadaanka ah, oo aan loo eegay tusaalihii uu Nabigeenu N,N,K,
inaga siiyay waxyaabaha Gabadha muslimada ah lagu dooranayo.
WAXAN TALO U SO JEEDINLAHA DUMARKA SOOMAALIYEED.
waxan
Talo iyo waano usoo jeedinayaa Hooyooyinka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan,
way ogyihiin Hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, Aakhiro-na waa lagala
Xisaabtami Doonaa hadii ay ku gargaaraan Dhibkaasi ubadkooda. Runtii hooyo
waliba way ka war haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso, markaa yaan la
fudaydsan ayaan odhonlahaa Dhibaatadaasi maalin walba ku faafaysa Dumarkeena.
1.
In oo gadan dhibatada
kaga imanaysa isticmalka dawooyinka kimikada leh.
2.
In ay ku kalsoonadan
midabka Illahay u abuuray
3.
In lagu xisab tamo
dhaqalaha ku baxaya
4.
In ay marsadan waxyaabaha dabiciga ah.
WIXI
TALO IYO TUSALE AH HALKAN AYAAD KU SOO HAGAJIN KARTAN WAAD MAHADSANTIHIIN
W/Q
HINDA CABDI SHEEKH





0 

IN YAR AYAAD QURUX BADANAN IN BADANA WAA FOOLXUMAN .W/Q HINDA CABDI SHEEKH
Qofku wuxu sharaf ku leyahay sida uu Illahay u abuuray madow iyo casan midka uu dono ha ahaade, qofku waa in u ku kalsoonada abuurta Alle,maxa yelay qofu Illahay u dhamaystiray Lixdisa laxad quruxi kama maqna .