12 Qof Oo Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Duqaymo Cirka Ah Oo Ay Diyaaradaha Dagaalka Saudi Arabia Ka Geysteen Gudaha Dalka Yemen+Sawiro

0
Saturday October 10, 2015 - 22:20:11 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    12 Qof Oo Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Duqaymo Cirka Ah Oo Ay Diyaaradaha Dagaalka Saudi Arabia Ka Geysteen Gudaha Dalka Yemen+Sawiro

    2 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Saudi Arabia, ay ka geysteen gudaha dalka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

2 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee Saudi Arabia, ay ka geysteen gudaha dalka Yemen.


Tobanaan qoys ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ka qaxeen degmada Mukha ee ku taalla koonfurta galbeed ee gobolka Ta’is, ee dalka Yemen kaddib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Saudi Arabia, ay deegaanadaa ka geysteen weeraro duqaymo ah.

Warkan oo ay faafisay wakaalada wararka u faafisa dalka Yemen, oo lagu xaqiijiyay dhimashada dadkan Soomaalida ah, ayaa lagu sheegay in dadkan Soomaalida ahi ay ku naf waayeen duqayn cirka ah oo diyaaradaha dagaalka dalka Saudi Arabia, ka geysteen degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Sa’da ee dalka Yemen, iyaga oo diyaaradahai sidoo kale duqaymo bambooyin loo adeegsaday ka geystay degmada Khawlan ee gobolka Sanca, waxaanay diyaaradaha dagaalka ee Saudi Arabia, ay weeraro duqaymo ah oo kale la beegsadeen gobolka Maqrib ee bartamaha dalka Yemen.

 

Duqaymahan ay diyaaradaha dagaalka Saudi Arabia ka geysteen gudaha dalka Yemen, ayaa lagu soo waramayaa in uu jawaab u yahay kaddib, markii ay xooggaga xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen, ay weeraro aargoosi ah oo gantaalo ah ay ku garaaceen saldhigyo milatari oo ku yaalla gudaha wadanka Saudi Arabia.

HALKAN KA AKHRI FAAH-FAAHINTA WARKAN

http://www.presstv.ir/Detail/2015/10/10/432790/Saudi-Arabia-Yemen-Somalia-Saada-Sanas-Airstrikes