Daawo: Dhalinyaro iskaashi ku samaystay Shirkad Casriya Farriina u diray Dhalinyarada Somaliland Ganacsatada iyo Dawladda

0
Sunday October 11, 2015 - 08:06:52 in by
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dhalinyaro iskaashi ku samaystay Shirkad Casriya Farriina u diray Dhalinyarada Somaliland Ganacsatada iyo Dawladda

    Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco, Ganacsato iyo masuliyiinta xisbiyada Qaranka ee Gobolka Togdheer ayaa ka qaybgalay Munasibad Qaar kamida Dhalinyarada Hibooyinka leh ee Gobolka Togdheer iyo xubno aqoonyahano ahi ku daahfurayeen Shirkad Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Degaanka Burco, Ganacsato iyo masuliyiinta xisbiyada Qaranka ee Gobolka Togdheer ayaa ka qaybgalay Munasibad Qaar kamida Dhalinyarada Hibooyinka leh ee Gobolka Togdheer iyo xubno aqoonyahano ahi ku daahfurayeen Shirkad Cusub
oo Farshaxanka iyo Daabacaadda Ah oo laga hirgeliyey magaalada Burco, Shirkaddaas oo loo Bixiyey Yogol Arts ayay Masuliyiinta shirkaddaasi ku soo Bandhigeen Adeegyada ay qaban Doonto iyo Waxyaabaha ay kaga Duwan tahay Shirkadaha kale ee Daabacaadda Boodhadhka iyo xayaysiisyada, Waxayna iftiimiyeen inay Dhalinyarada horseed ugu noqon doonaan Abuurista Ganacsiyo yaryar isla markaasna dhiirigeliyaan iskaashiga dhalinyarada kala duwan ee Dalka, si ay dhalinyaro badani uga baaqsadaan Tahriibka isla markaasna u samaystaa n fursado Ganacsi iyo shaqo, iyagoo usoo jeediyey madaxda iyo ganacsatadana inay si gaar ah ula shaqeeyaan maadaama ay wadaan qorshe iyo olole lagu Nageynayo Dhalinyarada Dalka ka sii qulqulaysa ee intooda badani shaqo la'aanta ka cabanaysa.

Xildhiban Mubarik Bidhi, Xildhiban Cabdilaki, xoghayaasha xisbiyada ucid iyo Wadani ee gobolka togdheer, shirkadaha ganacsiga, ururada dhalinyarada ee SYNA, Halkaraan, AKMO iyo Xubno kale oo halkaas ka hadlay ayaa Dhammantood Ballanqaaday inay dhalinyaradaas dhirigelinayaan si mug lehna ugu taageeri doonaan ganacsigooda maadaama qorshaha ay wadaan uu dhinac ka yahay wacyigelin dhalinyaro isla markaasna ay garteen inay dalkooda aaminaan oo fursado ka samaystaan.

 
Waa markii u horeysay ee Dhalinyarada Gobolka Togdheer iskaashi Ganacsi ku samaysto Shirkad Casriya oo Wax weyn ku soo kordhin Doonta Adeegyadii Farshaxan iyo Daabacaad ee magaalada Burco.