Daawo: Xildhiban Bidhi oo Carruurta ku xareysan Xarunta Darbijiifta u Dalxiis Geeyey Sheekh, kana mahadceliyey Bas Marwada Qaranku ugu Deeqday Xaruntas

0
Sunday October 11, 2015 - 08:55:17 in by Super Admin
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo: Xildhiban Bidhi oo Carruurta ku xareysan Xarunta Darbijiifta u Dalxiis Geeyey Sheekh, kana mahadceliyey Bas Marwada Qaranku ugu Deeqday Xaruntas

    Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Bidhi oo ka tirasan Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada burco ayaa soo dhaweeyay hanka Musharax-nimo ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Bidhi oo ka tirasan Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada burco ayaa soo dhaweeyay hanka Musharax-nimo ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo

Xildhiban Mubarik yusuf Cilmi Bidhi ayaa Carruurta ku xaraysan Xarunta Darbiijiifka Burco u dalxiis geeyey Buuraha Degmada Sheekh, Waxana Xildhibaanku halkaas uga mahadceliye Marwada Qaranka Somaliland Marwo Aamina Waris oo iyadu Xaruntaas ugu Deeqday Baska lagu dalxiis geeyey, Carruurtan aya aiyaguna aad u bogaadiyey una Duceeyey Marwada Madaxweynah Somaliland. 

Dhinaca kalena wuxu Xildhibaanku ka hadlay hadal uu wasiirka Warfaafintu ka jeediyey london isla markaasna ku iclaamiyey in murashaxa madaxweynaha xisbiga kulmiye uu yahay madaxweyne siilaanyo.

Waxanu xildhibaanku sheegay in bulshada reer burco ku faraxday dhawaaq ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Md:Cabdilaahi Cukuse oo shaaciyay in Musharax kaliya ee Xisbiga KULMIYE uu yahay Madaxwayanah Qaranka waxaanu xildhibaanku yidhi "Waanu ku faraxnay markii Wasiir Cukuse marlaab shaaciyay inuu Madaxwayne Siilaanyo Yahay murshaxa kulmiye waanu soo dhawaynaynaa waxaanu madaxwaynaha leenahay Madaxwayne jidka ceerigaabo iyo Ictiraafka intaad keenayo hanaga tagin”.ayuu yidhi Xil.Bidhi.