Daawo: Soo Dhoweyntii ugu Xamaasadda Badnayd oo Hargeysa loogu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Taageero badan oo uu kala kulmay shacabka

0
Monday October 12, 2015 - 08:04:40 in by salman abdi
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Soo Dhoweyntii ugu Xamaasadda Badnayd oo Hargeysa loogu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Taageero badan oo uu kala kulmay shacabka

    Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md: Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md: Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa

waftidii Madaxwaynaha Somaliland u raacay Safarkii shaqo ee uu ku tagay Ireland & Ingiriiska oo ka soo noqday socdaalkaasi isla markaana abaara 11:00 Subaxnimo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa .

wasiir soo

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa soo dhawayn aan indhawayd qaban indhahn bulshada caasimada Hargaysa kala kulmay aqoonyahano , Siyaasiyiin ,Xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida ,dhalinyaro & Boqolaal shacab ah oo dareen wadaninimo ku soo dhaweyay wasiir maxmed biixi yonis

wasiirrr

1

35781011

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafada iyo qaar ka tirsan shacab waynaha soo dhawaynta ku qaabilay ayaa Mahadcelin kadib sheegay inaanu marnaba iska casilayn xilka uu maanta hayo sido kalena waxa uu ka hadlay arrimo door ah ,waxaanu safar taariikhi ah ku tilmaamay socdaalkii Madaxwaynuhu ku tagay Jamhuuriyada Ireland waxaanu yidhi "Aad baan idiinku mahad Celinayaa sid wanaagsan ee aad ii soo dhawayseen waftidii Madaxwaynuhu watay ee aan ka mid ahaa dawlada Ireland waxanu kala hadalnay inay aqoonsi siiyaan Somalilnd Madaxwaynaha jamhuuriyada Ireland baanu la kulanay ,aad iyo aadbaa Madaxwaynaha loogu soo dhaweeyay wadankaasi waa safar taariikhi ah ,jaaliyada reer Somaliland ee dalkaasina waanu u mahad celinaynaa sida ay noo soo dhaweeyeen waxaananu ka codsanay dowlada Ireland inay nagala shaqayso ictiraaf raadinta ,maanta ayaana ugu horaysa cilaaqaad buuxda oo aanu dalkaasi la yeelanoā€¯ayuu yidhi Wasiir Biixi.

wasqqq

wasiir muuqabokkkkklll

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa lagu soo wareejiyay wadoyinka waawayn iyo jidka halbawlaha ee caasimada Hargaysa iyadoo boqolaal gaadhi galbinayaan Wasiirka Khaarajiga Somaliland ,ahna Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE .