Daawo:Suldaan Maxamed Cabdi Qaadir oo Si mug leh u taageray murashaxnimada wasiir maxmed bixi yonis si adagna ula hadlay Muj Muuse Bixi Cabdi

0
Monday October 12, 2015 - 08:14:45 in by salman abdi
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Suldaan Maxamed Cabdi Qaadir oo Si mug leh u taageray murashaxnimada wasiir maxmed bixi yonis si adagna ula hadlay Muj Muuse Bixi Cabdi

    Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa taageero u muujiyey musharaxnimada wasiirka arimaha dibada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa taageero u muujiyey musharaxnimada wasiirka arimaha dibada somaliland.


 

Suldaanka Maxamed oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu shaacinayey musharaxnimada Maxamed Biixi oo ka dhacday Hargeysa ayaa si dadban ula hadlay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxaanu fariin u diray xubnaha golaha dhexe ee xisbigaas.10

Ugu horayn suldaan Maxamed oo si dadban ula hadlay hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Dhamaan dadka halkan iskugu yimid waxay soo dhawaynayaan wasiirka arimaha dibada ahna musharaxa madaxweynaha mustaqbalka, ilaahay waxaan uga baryeynaynaa inuu ku guulaysto, midna waan idiin sheegaya xukun askari Maxamed Siyaad Bare ayaa inoogu danbeeyey, dooni mayno askari danbe, askari khayr nooma laha, ninkuna haddii uu askari soo maro wuxuu moodayaa inuu ciidankii hor joogo oo digtoonow ayuu nafta kaaga saarayaa.”

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Maxamed Biixi yoonis waa nin aqoonyahan ah waana nin hawl kar ah oo wax badan soo qabtay, diblamaasiyadii somaliland iyo somaliya wax badan ayuu ka soo qabtay, waana nin reer Awaare ah oo aanu isku deegaan nahay oo aanu ku faano, waxaan leeyahay qolada.”

Dhinaca kale suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inaanay kala taagerayn xisbiyada qaranka waxaanu yidhi "Anagu ka Salaadiin ahaan xisbi walba waanu taageeraynaa oo dhex ayaanu u nahay, sababtuna waxa weeyaan ilaahay ayaa og cid guulaysan doonta laakiin in nalaga cawdo oo la yidhaahdo suldaanku kana wuu taageerayey kana wuu ridayey meesha ma taalo, cidii ilaahay kursiga u qoray way iman doontaa cidii kalana way iska nasan doontaa, laakiin waxaan leeyahay dadyahow indho, dhago iyo aqoon ayaad leedihiin cidii dalka wadi karaysa haloo codeeyo sida Maxamed Biixi Oo Kale.”

Ugu danbayntiina waxa uu fariin u diray xugnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaanu marka kale yidhi "Qolada golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye dedaal badan sameeya si aydun xisbiga dhidibadiisa u adkaysataan, beesha masharixiinta badana waxaan leeyahay bari yeydaan kala biiq biiqin ee meel lugaha iskugu duda, anaguna diyaar ayaanu u nahay Maxamed biixi Yoonis.”