Muj Xasan Guure oo Walaac ka muujiyey Murashaxnimada Wasiirradu ku loolamayaan Madaxweynihii oo Nool oo weli Talinaya iyo Saamaynta ay Qaranka ku yeelanayso

0
Monday October 12, 2015 - 08:22:33 in by salman abdi
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Xasan Guure oo Walaac ka muujiyey Murashaxnimada Wasiirradu ku loolamayaan Madaxweynihii oo Nool oo weli Talinaya iyo Saamaynta ay Qaranka ku yeelanayso

    Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay loolanka musharaxnimo ee loogu jiro Xisbiga Kulmiye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay loolanka musharaxnimo ee loogu jiro Xisbiga Kulmiye,

waxa uu tilmaamay inay khalad tahay in Madaxweynaha oo ilaa hadda caddeyn inuu tanaasulay in haddana Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga ay ku dhawaaqaan Musharaxnimadooda.

waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Jahaweerar ayaa ku jira in Madaxweynuhu Musharax yahay iyo in aanu ahayn, hore wuu u sheegay inuu musharax yahay, ilaa haddana lagama hayo inuu tanaasulay, wax aad loola yaabana wey ahayd in Madaxweynaha oo wali tanaasulin inay is barbar yaacaan Wasiiro iyo Rag kale, sheegaana inay Musharax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye ah yihiin, sida aniga ila tahay Madaxweynaha ayaa Musharax ah, maxa yeelay Musharixiintani kuma heshiinayaan, aadna wey u adag tahay inay isku tanaasulan, balse dhammaantood waa ka wada raali inuu Madaxweynuhu Musharax noqdo”.