Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-C/Samad Axmed Ismaaciil, Kana Hadlay Taariikhdiisi

0
Monday October 12, 2015 - 08:48:11 in by salman abdi
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-C/Samad Axmed Ismaaciil, Kana Hadlay Taariikhdiisi

    Dhambaalka Tacsida oo ka soo Baxay Qasriga Madaxtooyada ayuu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul waxanu u dhignaa Sidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhambaalka Tacsida oo ka soo Baxay Qasriga Madaxtooyada ayuu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul waxanu u dhignaa Sidan

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI MADAXWEYNE - 11/10/2015

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Oday MARXUUM-CABDISAMAD AXMED ISMAACIIL oo 11/10/2015 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu Marxuumku abti u ahaa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa Muwaadin kaalin weyn ka soo qaatay nabadeyntii dalka, dhismaha dawladnimadda Somaliland, isla markaana si gaar ah uga shaqeyn jiray arrimaha samo-falka ee bulshadda. Waxaanu ahaa marxuumku qofkii u horeeyay ee ceel riig biyood ah ka qoday Somaliland muddo 50 sanno laga joogo waa xilligii Ingiriiskee.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.