Falaagada K/Sudan oo dowladda eedeysay

0
Monday October 12, 2015 - 17:41:40 in by Hargeysa Office
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaagada K/Sudan oo dowladda eedeysay

    Hoggaamiye ka tirsan falaagada dalka Koonfurta Sudan, ayaa sheegay in heshiiskii nabadeed ee la saxiixay lix toddobaad ka hor uu u muuqado in uusan shaqeyneyn, ayna tahay in uu hubkiisa dib u qaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiye ka tirsan falaagada dalka Koonfurta Sudan, ayaa sheegay in heshiiskii nabadeed ee la saxiixay lix toddobaad ka hor uu u muuqado in uusan shaqeyneyn, ayna tahay in uu hubkiisa dib u qaato.

Janaraal Johnson Oloni, ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ka leexatay heshiiska, iyada oo weerartay rayid, waxayna qorsheyneysa in ay dib u sameyso xuduudaha gobolada, taasi uu ku tilmaamay awood qabsasho muuqata.

Janaraal Oloni, ayaa sheegay in dhul qabsashada ay beeshiisu hore ugu riixday in ay awood isticmaasho, ayna sidaa sameynayaan mar kale.

Labadii sano ee la soo dhaafay, ayuu dagaalka sokeeye ee Koonfurta Sudan sababay tobanaan kun oo dhimasho ah iyo malaayiin ku barokacday.