Wasiirka Wershedaha Somaliland oo Qiil u sameeyey Shirki Maalgashiga Somalia ee uu ka Qaybgalay isago Hore ugu Dafiray Boggiisa Facebook inu ka qaybgalay shirkas

0
Tuesday October 13, 2015 - 09:15:40 in by salman abdi
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wershedaha Somaliland oo Qiil u sameeyey Shirki Maalgashiga Somalia ee uu ka Qaybgalay isago Hore ugu Dafiray Boggiisa Facebook inu ka qaybgalay shirkas

    Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga qayb galay shirka maalgashiga Somalia oo lagu qabtay dalka Holland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu uga qayb galay shirka maalgashiga Somalia oo lagu qabtay dalka Holland.


Shirkaasi waxaa dhaliilay saxaafadda Somaliland iyo mucaaradka kadib markii la arkay wasiir Shucayb oo dhex fadhiya wasiirka warshadaha Puntland iyo wasiirka warshadaha Somalia.

 

Wasiir Shucayb ayaa sheegay in si gaar ah loogu casuumay shirkaasi islamarkaana uu tagay isagoo matalaya qaranka Somaliland " Afartii bisha ayaan ka soo baxay wadankeenii, anigoo soo maray itoobiya. Waxyaabaha aan u imid maxay ahaayeen? Waxaan u imid shaqo dawladeed. Shakhsi ahaan uma iman ee anigoo qaranka Somaliland metelaya oo waxa dalkaygu u baahan yahay iibinaya oo fursadaha dalkayga soo bandhigaya, waxyaabaha la qaybsanayana inaan qaybtayda helo doonaya ayaan halkan wadamada Yurub u imid,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay waraaqo ay is dhaafsadeen wasaaradda khaarajiga Somaliland iyo ururka shirkaasi qabanqaabiyay ee Spark "Qolo la yidhaahdo Spark oo ka diiwaangashan wadanka Netherland oo qaabilsan awoodsiinta iyo maalgalinta Qurbejoogta ayaa nasoo casuumay. Iyadoo aanu caalamka qaarkood fahmin waxaynu kala nahay Somalia iyo Somaliland, waxaa xusid mudan inay markii hore nagu soo casuumeen warqad ay ku qoran tahay wasiirada Soomaalida(Somali Ministers). Warqaddaasi markay xafiiskayga soo gaadhay waxaan u gudbiyay wasiirka khaarajiga. Maxamed Biixi markii aan qoraalka u geeyay waxaanu isla garanay inaanan shirka ka qayb galin.

Wasiirka khaarajigu warqad buu u qoray uu ku leeyahay shirkaa kama soo qayb galayno haddaydaan nagu soo casuumin Somaliland oo madax banaan. Intaas waxaa ka dambeeyay in qoladii Spark ay soo diraan warqad kale oo ay ku qoran tahay "Republic of Somaliland minister of foreign affairs” waxay markaa ka garaabeen rabitaanka shacabka Somaliland. Intaas kadib ayuu wasiirka arrimaha dibada Somaliland u diray warqad uu leeyahay haddii aad ogolaateen inaad Somaliland gaar u soo casuuntaan, waxaan ogolaaday in wasiirka warshadaha Somaliland yimaado shirkaas, sidaas baanan horta ku imid,” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Somaliland.”