Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Dareen Celiyay Munasibadii Loo Qabtay Wadada Isku Xidhaysa Berbera Ilaa Raali Buul Ee London Ka Dhacday.

0
Tuesday October 13, 2015 - 10:09:00 in by salman abdi
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Dareen Celiyay Munasibadii Loo Qabtay Wadada Isku Xidhaysa Berbera Ilaa Raali Buul Ee London Ka Dhacday.

    Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyay munaasibad uu Magaalada London kaga qayb galay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyay munaasibad uu Magaalada London kaga qayb galay,

taas oo qaadhan deeq lacageed ah loogu uruurinaayay Wadada isku xidha Berbera iyo Raali Buul. 

Wasiirka Madaxtooyada oo qoraal kooban ku baahiyay bartuu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com wuxuu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

image

"Lib iyo Lexejeclo iswayday: Waxaan aaminsanahay in hadii aynu xoog iyo xoolaba isku darno aynu xaqiijin karno himilo kasta oo qarankeenu leeyahay isla markaana dalkeena dajin doono kob la mahadiyey.

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey ay kor u soo kacayeen dareenka shacabka xariirta ah eer reer Somaliland ee horumarka u wada heelan isla markaana fahmaya qiimaha ay leedahay iskaashiga shacabka iyo dawladu ayaa xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ka qabsoontay bariga London.

Hadaba xafladan oo ay soo agaasimeen ururka Hadaf ayey ujeedadiisu daarnayd qaadhaan ururinta jidka xeebta ah ee isku xidhaya Berbera iyo Raaribuul oo ah jid ay baahi wayn ay u qabeen shacabka ku dhaqan deegaamadaasi iyo dabcan dalkuba.

Waxaa xaqiiq ah qiimaha jidadku u leeyihiin horumarka bulshada iyo koboca dhaqaalaha iyo sida ay saamayn toos ah uugu yeeshaan isdhex galka bulshada sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in laga wada shaqeeyo si aynu u helno dal horumarsan iyo dad barwaaqaysan.

Waxaan aaminsanahay in hadii aynu xoog iyo xoolaba isku darno aynu xaqiijin karno himilo kasta oo qarankeenu leeyahay isla markaana dalkeena dajin doono kob la mahadiyey.

Aad baan uugu mahadinayaa shacabka reer Somaliland ee marwalba u heelan horumarinta dalkooda sidoo kalena cid walba oo agaasinka kulankan gacan ka gaysatay mahad iyo amaan ayaan u celinayaa.