Xulka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Afka Ciida Loo Daray Ciyaartii Labaad La Yeesheen Xulka Niger

0
Wednesday October 14, 2015 - 10:16:22 in by Burco Office
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Afka Ciida Loo Daray Ciyaartii Labaad La Yeesheen Xulka Niger

    Xulka Qaranka Somalia ayaa maanta lugtii labaad ee is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2018-ka oo ay isaga horyimaadeen dhiggooda dalka Niger oo ka dhacday xarunta dalkaas ee Niamey ayaa looga adkaaday 4-0 – [Afar gool iyo waxba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Qaranka Somalia ayaa maanta lugtii labaad ee is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2018-ka oo ay isaga horyimaadeen dhiggooda dalka Niger oo ka dhacday xarunta dalkaas ee Niamey ayaa looga adkaaday 4-0 – [Afar gool iyo waxba


Goolasha looga badiyay xulka Qaranka Somalia ayaa waxaa u kala dhaliyay xulka Nigeri ciyaartoyda kala ah; Mahamane Cisse iyo Moussa Maazou. Waxaana ciyaartan oo ahayd mid aad u kulul ay labada xulba soo bandhigeen ciyaar aad loo jeclaystay.

Mahamane Cisse ayaa goolkii koowaad u dhaliyay xulka Niger daqiiqaddii 13-aad. Goolkii labaad ayaa waxaa daqiiqaddii 18-aad isna dhaliyay ciyaaryahan Moussa Maazou, iyadoo isla ciyaaryahan uu goolkii saddexaad dhaliyay daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 oo uu ku hayay hoggaanka xulka Niger. Markii labada xul ay isugu soo laabteen qaybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa daqiiqaddii 68-aad waxaa goolkii afaraad u dhaliyay xulka Niger ciyaaryahan Mahamane Cisse.

Xulka Qaranka Somalia ayaan wax gool ah dhalin labadii ciyaar ee ay xulka Niger isaga horyimaadeen, iyadoo la xusuuto in lugtii koowaad ee ciyaartan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya looga adkaaday Soomaaliya 2-0, iyadoo labada gool ee ay heleen xulka dalka Niger uu u dhaliyay laacibkooda Moussa Maazou.

Ciyaarahan oo ka mid ahaa is-reeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka ee Ruusha ka dhici doonta sannadka 2018-ka ayaa waxaa xulka Somalia ay si rasmi ah u xaqiijisay maanta inay ka hartay markii looga adkaaday labadii kulan ee ay la yeesheen xulka dalka Niger.

Ugu dambeyn, xulalka kale ee Afrika oo maanta iyaguna cyiaaray is-aragyada is-reeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka ee 2018-ka ka dhacaya Ruushka ayaa waxay u kala badiyeen sidan.

Madagascar2 - 2Central African Republic
Burundi2 - 0Seychelles
Namibia2 - 1Gambia
Sierra Leone2 - 1Chad