Wasiirrada Arrimaha Gudaha Iyo Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Federaalka Ee Itoobiya

0
Thursday April 24, 2014 - 08:13:55 in by Burco Office
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Arrimaha Gudaha Iyo Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Federaalka Ee Itoobiya

    Wasiiraddan oo socdaal shaqo ku jooga Dalkaasi Itobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiraddan oo socdaal shaqo ku jooga Dalkaasi Itobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam



Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), oo loo qaybiyey warbaahinta  kaasi oo u dhignaa sidan :


"Kulan rasmi ah ayaa dhex-maray Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay ku wehelinayeen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo qaatay muddo saacad iyo badh ah, ayaa magaalada Addis Ababa ka dhacay.



Kulankan ayaa lagu lafo-guray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabad gelyada iyo amniga guud ee labada dawladood, ammaanka gobolka iyo iskaashiga labada dawladood.


Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam waxa uu ballan-qaaday inay Somaliland ka kaalmayn doonaan tababarka Booliska, gaar ahaan habka loo maamulo, loona maareeyo banaan baxyada salmiga ah.


Kulankan waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo guul, iyadoo Dr. Shiferaw Tekel Mariam uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis hadiyad u siiyay khariiradda Ethiopia.”








Afkashacabka.com
Hargeysa / Somaliland
Contact@afkashacabka.com