Kooxaha waa weyn ee Yurub oo jaray qiimaha tigidhada L agu galayo Ciyaaraha

0
Thursday October 15, 2015 - 17:59:31 in by Burco Office
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha waa weyn ee Yurub oo jaray qiimaha tigidhada L agu galayo Ciyaaraha

    Qiimaha lagu daawado ciyaaraha kubadda cagta ee kooxaha ugu heerka sarreeya Yurub ayaa hoos u dhacay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida ay hoos u dhigeen qiimaha lagu daawado hal ciyaar boqolkiiba 85, halka tig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimaha lagu daawado ciyaaraha kubadda cagta ee kooxaha ugu heerka sarreeya Yurub ayaa hoos u dhacay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida ay hoos u dhigeen qiimaha lagu daawado hal ciyaar boqolkiiba 85, halka tigidhada sanadkana xoos loo dhigay boqolkiiba 40, waxaa sidaasi lagu ogaaday daraasad ay BBCda sameysay.



Daraasadan lagu sameeyo qiimaha tigidhada kubadda cagta ayaa waxa ay gashay sanadkeedii shanaad, waxaana lagu ogaaday in kooxaha waa weyn ee Barcelona iyo Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain, kooxaha Talyaaniga ee Inter iyo Ac Milan, kooxaha Faransiiska ee Monaco iyo Paris Saint-Germain iyo kooxda weyn ee Jarmalka ee Bayern Munich ay dhammaantood hoos u dhigeen qiimaha tigidhada kuwa raqiiska ah iyo kuwa qaaliga ahba.

Waxaa suuragal ah in hoos u dhaca qiimaha tikidhada uu ka dhashay kobaca liita ee dhaqaalaha dalalka ku jira dallada Eurozone-ka, kaasoo sanadkii lasoo dhaafay korayay boqolkiiba eber dhibic shan.

Daraasadda ayaa lagu ogaaday in hoos u dhaca ugu weyn ee naadiyada uu ku dhacay kooxda Belgian-ka ee Anderlecht, kooxdaasi oo hoos u dhigtay qiimaha tigidhada raqiiska ah ee lagu galo halkii ciyaar boqolkiiba 85, taasina waxa ay ka dhigtay in ay noqotay kooxda ugu tigidka raqiisan, oo waxaa ciyaartiiba lagu gala $5.70.

Kooxaha kale ee qiima ridista sameeyay waxaa ka mid ah kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica ee dalka Bortiqiiska oo kala bar jaray qiimaha, iyo kooxda Faransiiska ee Marseille iyo kooxda Spain ee Valencia, labadan kooxood rubac ayey ka jareen qiimaha tigidhada.

Qiimaha tigidhada sanadlaha ah

Kooxaha Barcelona iyo Benfica ayaa ah kooxaha ugu raqiisan tigidhada sanadka, oo waxa ay ka qaadaan dadka $112.82.

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates waxaa sanadkii qofkii daawasho u tago laga qaadaa $3,000 halka labada kooxood ee ka dhisan magalaada Milano ay qaadaan $2,500 sanadkii.

Afarta kooxood ee Ingiriiska ah ee lagu soo daray daraasaddan ayaa waxa ay kala yihiin, Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Chelsea, dhammaantoodna waxa ay qiimo fariisin ku sameeyeen tigidhada raqiiska ee sanadlaha ah, waxa ay sidoo kale qiimo fariisin u sameeyeen dhamaan tigidhada qaaliga ah ee sanadka markii laga reebo kooxda Manchester City.
SOURCE BBC