Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Heshiiskii Uu TV-Ga Universal Ka Baxay Ee Sababay in laga mamnuuco Dalka

0
Wednesday February 12, 2014 - 11:13:46 in by Super Admin
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Heshiiskii Uu TV-Ga Universal Ka Baxay Ee Sababay in laga mamnuuco Dalka

    Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Heshiiskii Uu TV-Ga Universal Ka Baxay Ee Sababay in laga mamnuuco Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Heshiiskii Uu TV-Ga Universal Ka Baxay Ee Sababay in laga mamnuuco Dalka


Waxaanay xukuumadu ku tilmaantay talaabada ay shaqadda kaga joojisay telefishanka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal inay ka danbaysay ka dib markii uu TV-gaasi baahiyay dayaacado ka dhan ah qaranimadda Somaliland iyo madaxda dawladda gaar ahaana madaxweynaha.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo 6-dii bishan sharjaa’id xafiiskiisa ku qabtay, waxaanu sheegay in arrintasi uu TV-ga universal ku kacay ay u arkaan gaf iyo anshax xumo meel ka dhac ku ah jiritaanka dawladnimadda Somaliland iyo sidoo kale fadeexad ay warbaahini samayso tii ugu xumayd.

Waxaanu wasiir Cukuse ku tilmaamay barnaamijkaasi uu TV-ga Universal ku dacaayadeeyay Madaxweynaha Somaliland in uu ahaa mid ka baxsan hab dhaqanka xeerarka saxaafadda madaxbanaan ee u yaala Somaliland.isaga oo sidoo kale sheegay in telefishanka Universal uu jabiyay heshiiskii wada shaqayneed oo ay hore u wada galeen dawladda Somliland iyo mulkiilaha TV-ga Universal, kaasi oo ku saabsanaa qorshaha uu TV-gaasi kaga hawlgelayo Somaliland.

Haddaba ka sekow shuruucda saxaafadda ee uu jabiyay TV-ga gaarka loo leeyahay ee Universal iyo anshax-xumadda meel ka dhaca ah ee uu ku dacaayadeeyay madxda qaranka, waxaa jiray heshiis taariikhda ku qorani ay tahay 18/10/2010-kii kaasi oo ay kala saxeexdeen wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo mulkiilaha TV-ga Universal, kana hadlayay qaabka uu TV-gaasi u gudanayho shaqadiisa dhinaca Somaliland.

Heshiiskaasi oo ay ku qornaayeen qodobo ay kala saxeexdeen labada dhinac iyo arrimo kale, waxa uu u dhignaa sidan:

"Sidii aynu ku wada hadalnay shirkii aynu ku yeelanay xarunta Wasaarada Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, kuna taariikaysnaa 18/10/2010-kana qaybgaleen dhinac xukuumada Somaliland Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Af-hayeenka Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaarada iyo Agaasimaha Warfaafinta, dhinaca Telefishanka Caalamiga ah ee Universal-na Mulkiilaha TV-ga, maamulaha guud ee TV-ga iyo Agaasimaha Xafiiska Somaliland ee Universal.

Shirkaas oo uu nuxurkiisu ahaa, sidi la iskula meel dhigi lahaa qorshaha uu TV-gu kaga hawlgeli lahaa Somaliland iyo in meesha laga saaro mad-madawga soo kala dhex galay TV-ga iyo xukuumada cusub ee Somaliland, sida darteedf sidaa waxa uu TV-gu u gudanayaa waajibaadka Saxaafaddeed si dhex dhexaadnimo ah.

A.Waxa uu TV-gu u tebinayaa wrarka iyo dhacdooyinka siyaasiyiinta Somaliland si siman oo ku salaysan tiirarka aasaaska ah ee mihnada warbaahineed.

B. TV-gu wuxuu ka qayb qaadanayaa baahinta horumarka ka socda Somaliland ee dhinacyada Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Arrimaha Bulshada guud ahaan.

C.TV-gu waxa uu diyaar u yahay in uu xidhiidh joogto ah kala yeesho wasaarada warfaafinta hadba wixii jira.

D. Xafiiska Universal TV ee Hargeysa waxa uu masuul ka yahay Tifaf-tirka waararka Somaliland.

E.Waxaanu balanqaadaynaa inaanu ku dhaqano isla markaana ilaalino shuruucda iyo xeerarka u dajisan Jamhuuriyada Somaliland.

Mulkiilaha Universal TV ahna Maamulaha Guud ee TV-ga

Eng. Axmed Abuu-bakar