Ciidanka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Holhol Iyo Kooxda Khaatumo Oo Dagaal Iclaamiyey

0
Thursday April 24, 2014 - 18:18:35 in by salman abdi
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Holhol Iyo Kooxda Khaatumo Oo Dagaal Iclaamiyey

    Kooxda Nabad-diidka ah ee khaatumo, ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Nabad-diidka ah ee khaatumo, ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah Somaliland.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel), oo ku Magacaaban Madaxwaynaha Kooxda Khaatumo, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay degmada Taleex, waxa uu ku sheegay in maanta ciidanka Somaliland ay tageen deegaanka Holhol oo uu ku sheegay inuu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah.

Indho-sheel oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Aniga oo ah Madaxwaynihii Khaatumo, Waxaan iclaaminayaa in dalku xaalad dagaal galay, reer Khaatumo-na meel kasta oo ay joogaan ay dagaal u diyaar-garoobaan..”


Indho-sheel, waxa kale oo uu sheegay "Ciidanka Somaliland waxay xoog ku yimaadeen deegaanka la yidhaahdo Holhol”ayuu yidhi.


AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM