Afhayeenkii Madaxtooyadda Soomaaliya Eng: Yasiirow Oo Iska Casilay Xilkii Uu Dawladda Kanfuurta Somaliya

0
Thursday April 24, 2014 - 18:40:24 in by salman abdi
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenkii Madaxtooyadda Soomaaliya Eng: Yasiirow Oo Iska Casilay Xilkii Uu Dawladda Kanfuurta Somaliya

    Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), Waxa uu is ka casilay xilalkii La Taliyaha dhinaca Warbaahinta iyo Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xilkan uu hayay muddo 12-bilood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), Waxa uu is ka casilay xilalkii La Taliyaha dhinaca Warbaahinta iyo Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xilkan uu hayay muddo 12-bilood.


sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ka agdhow madaxtooyadda somaliya Eng. Yariisow ayaa ka tagay Afhayeenimada iyo La Taliyaha.

waxan mar ay warbahintu la xidhiidha uu ka gabsaday inuu faah faahin ka bixiyo, Hase yeeshee wararka ayaa in taas ku daray in Eng. Yarisow loo magacaabi doono xilal kale madama oo ay saaxiib dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Eng. Yarisow ayaa sanadkii la soo dhaafay si fiican uga dhex muuqday saxaafada oo uu si hagar la’aan ah u difaaci jirey Madaxweynaha iyo Siyaasada Dowladda.

Sidoo kale waxuu si aad ah ula xiriiri jirey warbaahinta caalamka oo inta badan soo xigan jirtey warkiisa, waxaana aad u isticmaali jirey baraha loo yaqaano social media sida facebook iyo twitter oo uu mar walba shacabka ugu soo tabin jirey wararka Dowladda.

masuulakan is casialay ayaa 6-dii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho oo uu xilal kala duwan oo muhiim ah soo qabtay sida Wasiirka Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta.

Mudadii uu UK joogeyna waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Jaaliyadaha Qurbo joogta iyo weliba isagoo 10 sano la soo shaqeeyey Dowladaha hoose ee UK oo uu heer maamule ka ahaa.

Hadal heynta magaalada Muqdisho ayaa ah yaa buuxin doona jagooyinkii uu baneeyey,


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@Afkashacabka.com